Trump oo shacabka ugu baaqay inay afka xidhaan!

0
593

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu danbeyn ku booriyey shacabkiisa inay afka xidhaan, Trump ayey ku qaadatay muddo 7 bilood ah inuu si dhab ah u taageero inay shacabku afka xidhaan si looga hortago faafida cudurka Covid19.

Trump ayaa tan iyo intuu cudurka dalkaasi Maraykanka gaadhay diidanaa inuu isagu xidho afka xiliyada uu ku sugan yahay goobaha dadka ku badan yahay, ayaa ka madax-adeygay inuu qaato talooyinka dhakhaatiirta iyo cilmi-baadhayaasha.

Qaar badan oo kamid ah taageerayaasha xagjirka ah ee Trump ayaa iyagu xidhan afka, dalka Maraykanka ayaa kaalinta koowaad ka galay dadka u dhintay cudurka Covid19 oo gaadheya in ka badan 144-KUN oo qof.

Madaxweynaha Maraykanka oo todobaadyadii lasoo dhaafay joojiyey inuu qabto shirka jaraa’iid ee arrimaha Covid19, ayaa goor-dhaweyd warsaxaafadeed uu qabtay ku sheegay in lama huraan ay tahay in dadku MASK afka ku xidho.

“…Whether you like the mask or not, they have an impact, they’ll have an effect and we need everything we can get,” …..”I will use it, gladly.”

Jeclow ama ha jeclaan, waxaa hubaal ah in MASK (afka la xidho) ay wax weyn ka qaban karto ka hortaga (Covid19), waxaan u baahanahay inaan sameyno wax walba oo aan kula tacaali karno faafida cudurkan…” ayuu yidhi Trump oo intaasi raaciyey “….Anigaba diyaar baan u ahay inaan isticmaalo…”

Donald Trump ayaa isbedal sameeyey xili ay soo dhawaatay doorashada Maraykanka oo la qorsheenayo inay dhacdo November, wuxuuna bilihii lasoo dhaafay lumiyey taageerayaal badan gaar ahaan dadka Waayeelka oo ugu badan kuwa u dhimanaya cudurkan.

Shacabka Maraykanka ayaa in ka badan 70% aaminsan in Trump uu ku fashilay ololaha ka hortaga cudurka Covid19, isagoo bilihii lasoo dhaafay si weyn u fududeystay khatarta cudurka Corona-Virus.

Leave a Reply