Qaraxii Beyrut : Qaabka uu Dekaddaasi ku gaadhay Markabkii waday shixnada Halista ah

0
354

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxii weynaa ee burburiyay qeybo kamid ah caasimadda Beyrut uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate, taasoo ku keydsaneyd dekadda magaaladaasi.

Shacabka dalkaasi ayaa ka carooday in madadaasi khatarta ah oo xagmigaasi leh ay muddo ka badan lix sano ku jirtay makhaasiin aan laga fekerin badqabkiisa, aadna ugu dhaw bartamaha caasimadda.

Dowladdu ma aanay magacaabin halka ay ka timid maadadaasi, balse isla ammonium nitrate xajmigaasi la eg ayaa bishii November 2013 waxaa Beyrut geeyay markab sita calanka Moldova, laguna magacaabo MV Rhosus.

Markabka oo laga leeyahay Ruushka ayaa September-tii sanadkaas ka shareecday dekadda Batumi ee dalka Georgia, waxaana uu ku socday Beira, Mozambique.

Xilli uu marayay bariga badda Mediterranean ayaa markabka Rhosus waxaa ku timid “cillad” waxaana uu ku khasbanaaday inuu ku xirto dekadda Beyrut, sida lagu sheegay warbixin 2015 lagu daabacay wargeyska Shippingarrested.com oo ay qoreen qareenno Lubnaan u dhashay oo metalayay shaqaalaha markabka.

Hawlwadeennada dekaddaasi ayaa baaray markabka, waxaana laga “mamnuucay inuu safro” sida uu sheegay qareenka. Inta badan shaqaalaha markabka ayaa dib loogu celiyay dalalkooda marka laga reebo kabtan Boris Prokoshev oo Ruush ah iyo saddex badmaax oo kale oo la sheegay inay Ukraine u dhasheen.

Mr Prokoshev ayaa Jimcihii BBC-da u sheegay in markabka Rhosus uu ku hakaday Beyrut, maadama milkiilayaashiisa ay soo wajahday lacag la’aan. Kabtanka ayaa sheegay in lagu wargeliyay in markabka uu shixnad dheeraad ah oo qalabka culus ah qaadayo si uu u helo kharash uu kaga gudbo marinka Suez.

Hase yeeshee markabka ayaa qaadi waayay qalabkaasi culus. Markii ay dadkii lahaa bixin waayeen kharashka dekadda, ayaa dowladda Lubnaan waxa ay go’aansatay inay xayirto MV Rhosus iyo ammonium nitrate-dii saarneyd, sida uu sheegay kabtanka.

Waxyar kadib, markabka ayaa looga tegay dekadda, maadaama dadkii lahaa iyo kuwa uu u rarnaa ay dan ka geli waayeen, sida ay sheegeen qareennada. Waxaa halkaa ka dhashay dacwad maxkamadeed oo ay gudbiyeen dadkii deymaha ku lahaa MV Rhosus.

Dacwadda MV Rhosus

Shaqaalaha markabka ayaa xilligaasi wajahay waqti adag oo waxaa gabaabsi ka ahaa cunnada iyo saadka kale. Qareennada ayaa sheegay in arinta u gudbiyeen xaakimka xaaladaha degdega ah ee Bayrut, kaasoo ugu dambeyn 2014 oggolaaday in shaqaalaha markabka laga dejiyo dalalkoodana loo celiyo. Shaqaalaha dekadda ayaa shixnadda markabka ee ammonium nitrate u wareejiyay “makhaasiin 12” oo ku dhagan kan haruurka lagu keydiyo. Qareennada ayaa sheegay in shixnaddaasi ay sugaysay in “la xaraasho ama sida ku habboon loo asturo.”

MV Rhosus

Kabtan Prokoshev ayaa sheegay in xukuumadda Lubnaan ay ogeyd khatarta ay leedahay shixnadda uu markabka siday, oo ay ahayd in aan lagu keydin dekadda.

“Waxay lacag ku siin lahaayeen milkiilaha markabka, lacag dhan boqolaal kun oo dollar si uu meesha uga dhaqaajiyo, iyagana ay uga nastaan dhibaatada uu ku hayay dekadda. Balse waxay go’aansadeen inay sii haystaan.”

Maamulaha guud ee dekadda, Xasan Koraytem, iyo agaasimaha guud ee kastamada Lubnaan, Badri Dahir, ayaa labaduba Arbacadii sheegay inay maxkamadda uga digeen khatarta ka iman karta maadada lagu keydiyay halkaasi, iyo in meesha laga saaro.

Dukumiinti aad loo wareejinayo online-ka ayaa muujinaya in saraakiisha kastamada ay warqado u direen xaakimka xaaladaha degdega ah ee Beyrut si uu ugala taliyo iibinta ama daadinta ammonium nitrate-daasi, tiro lix jeer ah intii u dhexaysay 2014 iyo 2017.

Mr Koraytem ayaa u sheegay telefishinka maxalliga ah ee OTV in xitaa ay warqado u direen laamaha amniga Lubnaan.

Dowladda Lubnaan ayaa amartay in xabsi guri laga dhigo saraakiisha ku lugta lahaa keydinta iyo ilaalinta maadadaasi, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan qaraxaasi dadka badan laayay.

XIGASHO BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here