Xildhibaan Ismaaciil oo Madaxdhaqameedka ku Dhaliilay Soo Af-jarid La’aanta Colaadaha Beelaha

0
486

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Ismaaciil kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa madaxdhaqameedka Somaliland ku dhaliilay soo af-jarid la’aanta colaadaha beelaha ee soo noq noqonaya, taasi uu tilmaamay in dagaal beeleedyadu caqabad ay ku yihiin nabadgeliyada iyo deganaanshiyaha wadddanka.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in colaadahaasi ay u huriyanaay dan ay ka leeyihiin xukuumadda waxaanu madaxdhaqmeedka ugu baaqay in ay faraha kala baxaan hurinta colaadahaasi.

“Dagaal beeleedyadu caqabad ayay ku yihiin nabadgeliyada iyo deganaanshiyaha waddanka, marka waxaa qurux badan in nabadgeliyada laga wada shaqeeyo, madaxdhaqmeedka markii hore kamay qayb qaadan jirin dagaalada Beelaha balse hada waxa aad moodaa inay fursad ay u tahay ay ku kursi kaga raadinayaan xukuumadda, waana nasiib daro”Ayuu xildhibaan Ismaaciil.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply