Xildhibaan Baaq Nabadeed u Diray Beelo Walaalo Ah oo Diriri ku Dhexmartay Degaanka Jidbaale

0
615

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Xirsi Ciise, kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo diriri ku dhexmartay deegaanka Jidbaale ee gobolka Sool.

Xildhibaanku waxaa uu labadaasi beelood kula taliyay in nabadgeliyada lagu caano maalo, islamarkaana ay nabada qaataan oo colaada joojiyaan.

Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa u yidhi “Umaddi oo dhammi waa yaabtay argagax ayay qaaday, waxaan idinka baryayaa barta uu maanta marayo in aad ku joojisaan, dad badanina hada waa ay idinku soo baxeen waxaan jecelahay in aad maqashaan ta ALLENA waa meel, hase ahaate dulqaata labadiina qoloba waar labadiina qolo ee maanta halkaasi ku dagaalamay maanan fileyn, shaydaan ayaa idinka xoog weynaaday ee shaydaanka iska naara.

Waxaanu ku rajo weynahay intaanan idin soo gaadhin in aad hawshaasi nabadgeliyo ka bixisaan labadiina qoloba, nabadgeliyo ayaana lagu caano maala”

Sawirka Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac, kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland oo baaq nabadeed u direy beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Jidbaale ee gobolka Sool

Leave a Reply