Farshaxanka Yaraynta Wacyiga Iyo Xukunka Caqliyada!

0
573

Caqligu waa namcooyinka Allah (sw) ku manaystay Aadamiga ee ay kaga soocan yihiin makhluuqa kale. Muhimadda uu leeyahay awgeed waxa uu ka mid yahay shanta arrimood ee shareecddu ilaalisay, Diinta, Nafta, Caqliga, Taranka iyo Hantida.  Sidoo kale waxa Allah (sw) xaraan ka dhigay wax kasta oo caqliga bedelaya sida Khamriga iwm.  Waxaana uu Islaamku cadeeyay in qofka waalan aan denbigiisa la qorayn madaama aanu haysan caqli kala saara wanaagga iyo xumaanta.

Sida la sheego, Magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya, maalin uu safiirka Ingiriiska oo gaadhigiisa wata dhex marayay ayuu arkay wiil aqoonyahan  dhalinyaro ah oo Sac wadada dhexdeeda si xaqiran ugu laadaya. Safiirka ayaa ku amray darawalkiisa inuu si dhakhso ah u joojiyo gaadhiga, waxaana uu ka soo degay isagoo k,u qaylinaya “ ka daa, ka daa garaaca dibiga”. Dadkii ayaa ku soo ururay qaylada safiirka oo meesha buuxiyay.

Markii uu ka joojiyay wiilka dhalinyarada ahi garaacii ayuu bilaabay inuu Dibiga dhabarka si naxariis leh ugu masaxo, waxaana ay dadkii  la yaabeen markii uu safiirku qaatay kaadida Dibiga oo uu wejigiisa ku fooldhaqay, oo haddana masaxay jidhka Dibiga isagoo cafis ka dalbanaya Saca ay caabudaan.  Waxaana ay ku jeesteen wiilka yaraa oo hortiisa ku garaaceen iyagoo u aragudayay Saca ay caabudaan.

Markii intaasi dhacday, Safiirka ayaa ku laabtay gaadhigiisa isagoo shaadhkiisa ay qoyeen kaadida Saca isla markaana timihiisu qoyeen oo weliba fidsan yihiin.   Darawalkiisa oo aad ula yaabanaa ficilka uu samayanayo ayaa weydiiyay Safiirka :” Sababta ku keliftay arintan iyo inuu ku qanacsan yahay Dibiga la caabudayo?

Safiirka ayaa ku jawaabay :” Dibiga aa!, miyaad ilowday qaali, inaan maalin kasta cuno hilibka Lo’da ? , Dhegayso, wiilka dhalinyarada ahi waxa uu samaynayay inuu toosiyo Dibi Caabudka, oo caqiido beena ah. Haddii ay taasi dhacdana Hindiya waxa ay gaadhaysa Horumar, waxaana ay hore u soconaysaa 50 sano, ka dibna waxa lumaya jiritaankeena iyo danaheena muhiimka ah.  Waana inaad ogaato Aaminada Nacasnimada ahi inay ka mid tahay ciidamadeena iyo kaabayaasha bulshadeena.

Qisadani waxay muujinaysaa farshaxnimada loo seexiyo maskaxaha dadka iyagoo dareenka fikirka wanaagsan laga tirtirayo. Iyo in boqolaal lo’a ah la soo taxo iyadoo loo arkayo in laga barakaysto oo wax ay u tarayaan kuwa caabuday aanay jirin, si loo xukumo maskaxa dadka kumanaanka sano caabudaya Lo’da. (basaer-online.com)

Leave a Reply