Dareenka Naxariista Ee Hablaha!

0
598

Markii ay ku heshiiyeen lamaanihii is guursaday wakhtigii arooskooda in aanay gurigooda cidna ka furin, ayuu maalin danbe albaabkii gurigooda soo garaacay Aabaha (waalidka) ninka. Labadooda ayuu midba kan kale eegay iyagoo xusuusan balankii ay galeen. Ninka oo garanayay inuu yahay aabihii (waalidkii) kama furin waalidkii, wax yar ka dibna odaygu markii la furi waayay wuu iska noqday.

Muddo yar ka dib ayuu albaabka soo garaacay gabadha aabaheed, labadoodii ayaa is eegay haddana iyagoo xusuusan balankii. Qadar daqiiqado ah ka dib ayay Gabadhii ilmaysay ka dibna way istaagtay oo albaabkii ayay ka furtay Aabheed iyadoo ilmaynaysa. Ninkeeda ayaan arinkaasi waxba ka soo qaadin oo iska dhaafay, halkaasina sheekada ku xidhay, laakiin sanado ka dib gabadhiisa oo afar wiil oo hore u dhashay ayaa markan shanaad dhashay gabadh.

 

Aabaha ayaa u sameeyay gabadha u dhalatay xaflad weyn oo uu dad badan ku soo casuumay. Gabadhiisa ayaa weydiisay sababta uu ilmahan yar casuumadda weyn ugu sameeyay isagoon afartii wiil ee ka horeeyayba u samayn?

Waxaana uu ugu jawaabay:” Runtii waxaan doonayaa inay noqoto qofka albaabka iga furi doonta sidii adiguba aad Aabahaa uga furtay wakhtigii arooskeena”. Sidaasi ayay habluhu uga naxariis badan yihiin ragga.

Leave a Reply