Isbedelada Iyo Erayada Saamaynta Leh!

0
484

Muuqaalka guud dadka badankoodu way ka siman yihiin oo lama kala garto laakiin waxa kala duwan sida ay ula falgalaan isla markaana u maareeyaan dhacdooyinka nolosha ee maalinlaha ah.

Falgalkaasi ayaa lagu kala saaraa awoodaha iyo kartida dadku is dheer yihiin, waxaana laga yaabaa inaad maqasho erayga waa qof karti leh oo fariid ah, Nacas, Fulay ama geesi, naxariis badan ama cadow ah.

Dadka kartida leh ayaa la sheegay inay yihiin kuwo leh astaamo gaar ah oo ay ka mid yihiin iyagoon dadkaasi wakhtigooda ku lumin calaacal iyo cabasho. Sababtuna waa iyagoo og inay arimaha dhacaya ay yihiin kuwo lagaga  bixi karo awood iyo karti iyo in aanay noloshu ahayn 100%  mid mar kasta dhinaceeda saxda ah ku siinaysa.

Dadka kartida lihi kama baqdaan isbedelka waxaana ay noloshooda ku sameeyaan isbedel haday u arkaan mid aan laga fursanayn ama ay sidaasi ku wanaagsan tahay. Iyagoo weliba dabeecadaha xun iyo kuwa lagu canaanto isla markiiba joojiya iyagooon u arag qofka u sheegay mid dhibaya ama xaqiraya.

Leave a Reply