Ma Jiro Qof Aan Waxtar Lahayn!

0
428

Maamulayaasha dugsiyada aya loo sheegay in maalinta berri ah usoo mari doono kormeeruhu.

Laakiin gaadhigiisa ayaa dariiqa kaga xumaaday, sababo dhinac mishiinka ah.  Isagoo weli dariiqa taagan oo aan soo gaadhin dugisga ayuu soo maray arday, waxaana uu arkay ninkan ku wareeray gaadhiga , waxaana uu ku yidhi ma ku caawiyaa?.

 

Kormeeraha ayaa ku yidhi  Miyaad baabuurta wax ka taqaanaa? Waxaana uu ku yidhi haa. Wuxu qaatay qalabkii , kuwarka ayuu ka qaaday , ugu danbayntii wuu hagaajiyay, cilladiina wuu ka saaray..

Markii gaadhigii u hagaagay ayuu Kormeeruhu ku yidhi oo miyaanad dugsiga tegayna adigu isagoo doonayay inuu sii raaco.

Waxaana ardaygii ugu jawaabay maya , Maamulaha aya igu yidhi “ Maanta kormeerihii ayaa imanaya adiguna waad qalbi adag tahay oo waxba garan maysid iska tag gurigiina.

Sidaas ayay kuwa badani u lumiyaan awoodaha ardayda iyagoon dhinacyo badan ka eegin.

Thomas Edson oo laamabada dunida u shidayna dugsiga waxa looga eryay in aanu lahayn fahmadii waxbarasho.

Leave a Reply