Booliska Kenya oo diginiin adag ka soo saaray kooxo afduub u gaysta hablaha yar yar.

0
500

Nairobi (Dawan)- Booliska dalka Kenya ayaa wada baadhitaan ay ku hayaan ‘qawlaysato internet-ka” adeegsata oo hablaha yaryar ee intan fayraska karona jiro xaafadaha jooga ku saba [ballanqaadyo] been ah oo ku dirqiya in jidhkooda laga ganacsado.

Arintan ayaa soo shaac baxday markii saddex hablood oo yaryar oo dhawr iyo toban jirro ah ay boolisku ka soo furteen qawlaysato haysatay.

Saddexda gabdhood waxay booliska u sheegeen in bog baraha bulshada ka mid ah looga soo diray martiqaad ah in ay ka soo qayb galaan ”xaflado” ka dhacayey magaalada.

Booliska ayaa waalidiinta digniin ugu sheegay in ay caruurtooda isha ku hayaan.

”Waaxda dembi baadhistu waxay ku wargelinaysaa bulshada in aanu ku daba jirno xubno ka tirsan kooxdaa qawlaysatada ah oo dhawaan la soo qaban doono si falal dembiyeedka ay galeen loogu ciqaabo” ayaa boolisku yidhi.

Dhacdooyinka hablaha yaryar ee la waayayo – ama baxsanaya marka internet-ka loogaga ballan qaado shaqooyin lacag leh- ayaa dhawaanahan ba warbaahinta Kenya tebinaysay.

Todobaadkan horaantiisii ayaa gabdhahaa yaryar midkood haweenay ay ehel yihiin iyadoo ooyeysa muuqaal codsi ah ku baahisay Twitter-ka oo ay ku sheegtay in ay suurto gal tahay in gabdhahaa yaryar ee la la’yahay ay dhici karto in dalka laga tahriibiyo si jidhkooda looga ganacsado.

Haweenaydaas ayaa sheegtay in inanta yar ee ay ehelka yihiin Sabtidii la waayey ka dib markii qawlaysatadaasi ugu ballan qaadeen in la siinayo shaqo dhar xayeysiin ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply