Henery ALfre Kissinger waxa uu ahaa Wasiirkii Arrimaha debedda ee Maraykanka mudadii u dhaxaysay 1973 -1977. Kisssinger ayaa ka qoray buugaag badan oo kala duwan siyaasadda arrimaha debedda ee Maraykanka.
Haddaba buugiisa uu u bixiyay Diplomaasiyadda ayuu ku qeexay qaabka Marakanku ula macaamilo dhamaan dhibaatooyinka. Waxaana uu u sheegay in Maraykanku ka eego arrimaha sida isaga u wanaagsan ee ay dantiius ku jirto, laakiiin aanu isku deyin inuu mushkuladaasi xal u helo,
Henery waxa uu yidhi “ Maraykanku ma jecla inuu xalliyo mashaakilka caalamka ka jira, waxase uu qabsadaa dhegaha mashaakilka, si uu ugu jiheeyo ama ugu jeediyo hadba dhanka maslaxaddiisu jirto “