Horumarku Waa Qorashaha Iyo Fulintiisa!

0
838

Mr.Howard Schultz  oo Maraykan waxa uu dhashay sanadkii 1953, waxaana uu ka soo jeeday qoys sabool ah oo degan guryaha aad u liita. Waxa uu sheegay inuu wakhtigaasi ay isaga iyo qoyskiisu faqiirka ahaayeen oo uu ku fikir jiray sidii uu uga bixi lahaa mushkulaadda saboolnimada. Waxa ku adkayd lacagta uu waxbarashada iskaga bixyo, waxaana uu ku dedaalay inuu si fiican u barto kubadda cagta si uu uga dhigto xirfad uu iskaga bixiyo waxbarashada.

Ugu danbaystii waxa uu noqday mid aad u yaqaan farsamada kubbada cagta taasi waxay u fududaysay in jaamacadda University of Northern Machigan, ay siiso deeq waxbarasho. Wakhtigii uu ka qalin jebiyay jaamacadda waxa uu shaqo ka helay huteelada Starbucks oo bunka laga cabo, oo dunida ay uga furaayeen 60 huteel oo la mid ah kan uu ka hawlgalay.

Sanadkii 1986 ayuu noqday maamulaha shirkadda huteeladaasi. Wakhatigaasi ayuu balaadhiyay ganacsigii shirkadda isagoo dunida ka sameeyay 16000 huteel. Waxaana uu shirkadaasi ka shaqaynayay ilaa laga gaadhay sanadkii 2000. Waxaana uu noqday hantiile samaystay shirkadda Seattle SuperSonics, isagoo sidoo kalen xubin ka noqday gudida maamulka ee shirkadda Square, Inc.

Bishii Disember 1, 2016, ayuu Mr.Schultz ku dhawaaqay inuu is casilay maamulihii shirkadaasi  CEO of Starbucks, Waxaana haddana wakhtigaasi loo doortay madax fulinta ee shirkadda. Laakiin bishii April 2017 waxa uu ku guuleystay inuu noqdo madaxa shirkada Kevin Johnson.   Howard Schultz  bishii Juun 4, 2018, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo guddoomiyihii fulinta, waxaana laga ogolaaday Juun 26, 2018. Howard Schultz  ayaa wakhtigaasi sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in himiladiisu tahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha Maraykanka oo horeb u higsanayay

Sandkan 2020 waxa hantidiisa lagu qiyaasay 4.6 billion USD. Wargeyska Forbes magazine ayaa sanadkan ku diiwan geliyay  in Howard Schultz  uu yahay ninka 209 ee dunida ugu maalqabeensan.

Leave a Reply