Saaxiibka Cusubi Waa Guushayda Weyn!

0
542

Madaxweyinhii hore ee Maraykanka Abrahm Lincoln oo ah ragga loogu jecel yahay Maraykanka wuxu talada dalkaasi hayay 1861-1865. Waxaana uu ahaa madaxweynihii 16aad , Inkasta oo xirfadiisu ahayd qareenimo haddana waxa uu dalkaasi hogaaminayay wakhtigii uu ka socday dagaalkii sokeeye ee ugu weynaa dhiiga badana daadiyay.

Lincoln inkasta oo dhibaatadaasi jirtay haddana waxa uu xoojiyay midnimada waxaana uu baabiiyay adoonsigii bulshada madow lagu hayay.  Waxa kale oo uu awood u yeelay dawladda dhexe ee dalkaasi, dhaqaalaha dalkana waxa uu ka dhigay mid casriya.

Abraham oo aad loo jeclaa, waxa uu ahaa nin furfuran waxaana la weydiidyay sababata loo jecel yahay? waxaana uu ku  jawaabay “ Kuwa cadowga ii ah waxaan ka dhigtaa saaxiib”.      Sababaha guushiisana waxa kaga jawaabay: “ Weligay qof wax la iiga sheegay uma rumaysan”, waana sababta guushayda. Maalinta aan guulaystaa waa maalinta aan saaxiib cusub helo.

Leave a Reply