Xaflada Shaacinta Murashixiinta Bahweynta Bureeqa ee Golaha Wakiiladda iyo Degaanka oo Hargeysa ka Qabsoontay

0
643

Hargeysa (Dawan) Maxamuud Cabdi Cilmi iyo Nuur Muhindis Guud-cade, ayaa shalay si rasmiya ugu dhawaaqay in ay yihiin murashixiin u tagaan ka mid noqoshada xildhibaanada golaha degaanka iyo wakiiladda ee soo socda.

Labadan murashax ayaa daboolka ka qaaday qodobo mihiima oo ay ku mateli doonaan bulshada dooratay.

Masuuliyiintii kala duwana ee ka soo qayb galay madashii shaacinta labadani murashax ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan.

Haddaba munaasibadii shaacinta Bahweynta Bureeqa ay u qabatay labada musharax ee ku mateli doona golaha wakiillada iyo degaanka ayaa lagu qabtay Hutel Guleed ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadan ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, xubno ka mida mujaahidiintii waddanka u soo halgantay, siyaasiyiin, sulaadiin, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub ayaa ka hadlay mudada ay ku qaadatay soo xulista labadan xildhibaan. “Waxaa aanu halkan ka shaacinaynaa labada musharax, ee Eng. Maxamuud Cabdi Cilmi iyo Mujaahid Nuur Muhindis Guudcade, dhammaantiin intiina ka soo qayb gashay waad mahadsan tihiin, waxaa aanu muddo bilo ah oo aanu isugu tagnay dhallinyariyo waayeelba soo xulista labadaa nine e maanta goobtaasi fadhiya.

Yar iyo weynba dadka intii aan qaadan kaadhka diwaangelinta waa in ay qaataan, si ay ugu coddeeyaan labadaasi nin ee aanu soo bandhignay, Soomaalidu waxaa ay tidhaaha ‘Sumal Baraar kuma jir’, waar annagu labadaasi nin ayaanu soo xule ha nalaga guddoomo”

Xildhibaan Cismaan Waxar kana mida mudanayaasha golaha deegaanka degmadda Hargeysa ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo kursiga golaha degaanka ee uu ka sii tagayo.  “Waan soo dhaweynaya xildhibaanka cusub ee u taagan doorashada golaha degaanka degmada Hargeysa”

Murashaxa golaha degaanka degmadda Hargeysa Maxamuud Cabdi Cilmi, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay bilic soo ceinta caasimada Hargeysa. “Waxaa aanu jecelahay oo aanu doonaynaa haddii magaalada Hargeysi noqotay caasimadii Somaliland, in ay la tartantop caasimadaha dalalka Jaarka ama la tartan, waxaan balan qaadaya in caasimada Hargeysi ay noqoto mid qurux badan oo bilicdeedu wanaagsan tahay, bulshada reer Hargeysa waxaan ka codsanaya in ay soo xulaan xildhibaano qayb mihiima ka qaadan kara bilic soo celinta caasimada”

Sidoo kale murashax Nuur Muhindis Guud-cade una taagan  doorashada golaha wakiiladda Somaliland, ayaa bulshadii ka soo qayb gashay munaasibadii shaacintooda in sida ay wakhtiga ugu soo hureen maalinta doorashadana ay ugu huraan uguna samraan mudada ay codeyntu socoto. “Waxaa aan guntiga dhiisha isaga dhigayaa Dastuurka dalka oo ah laf dhabartii Waddanka sidii aan u dhammeystiri laheyn, oo aanu uga dhigi laheyn dastuur waddan lagu haggo oo aan qabyo aheyn in aanu ka dhigno, xilka haddii aan ku guuleysto in si xilkasnimo ah oo daacad ah, in aan ugudan doono waajibaadka uu leeyahay golaha wakiilladdu, sida ay maanta wakhtigooda noogu soo hureen in ay ku samraan safafka maalinta codbixinta, islamarkaana ay codkooda noogu hiiliyaan.

Waxaan ka mid ahaa raggi dalkan iyo dadkan naftooda u soo huray, in idinkuna aad codkiina noogu hurtaan oo aad noogu ridaan”

“Xisbiga KULMIYE sharaf weyn ayay u tahay in munaasibadii u horeysay ee xisbigu ku qabto magaalada Hargeysa ay nasiib u yeeshaan mujaahid Nuur, iyo Maxamuud Cabdi Cilmi, waxaanay idinka idiin tahay in xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE idiin hiiliyay, in munaasibadii ugu horeysay si wada jira loogu qabto labadaasi murashax”Ayuu yidhi afhayeenka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE,  Cabdinaasir Maxamed Buuni.

Leave a Reply