Wakhtiga Aad Joogto ka Faa’iidayso!

0
524

Niyad jabku marna xal kuu noqon maayo. Werwerka iyo walbahaarkuna mushkiladda ma dhameeyaan. Wax ku dhaafayna murugo ma soo celiso.

Baro in qalbigaaga aad ku beertid sabir, waxaad ogaataana in Allah (sw) la jiro kuwa sabra.

Quruxada iyo wanaagga  nolasha waxaad dareemaysaa markaad maalin kasta oo qoraxadu kuu soo baxado aad aaminto in ay tahay deeq Allah (sw)  kaaga timid si aad u furato bog cusub, oo khayr ka buuxo kuna waayo aragto wixii wakhti kaa lumay iyo khasaarihii shalay!..

Si kasta oo aad u fikirto marna kuuma soo noqonayo wakhti ku dhaafay, ka aad taagan tahay ka faa’iidayso

Leave a Reply