“Waxaa Gef ah in la yidhaaho Somaliland ayaa xildhibaano ay ka joogaan Soomaaliya”Siyaasi Uurcade

0
371

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa gef ku tilmaamay in la yidhaaho Somaliland, ayay xildhibaano ka joogaan Soomaaliya, waxaanu sheegay in kuwa imika Somaliland ay dooraneyso iyo kuwa golayaasha Qaranka jooga ay yihiin xildhibaanada Somaliland, balse kuwa Xamar jooga ay yihiin kuwo uu madaxweyne Farmaajo ka soo ururiyay suuqa Ceel-gaabta.

Sidoo kale waxaa uu xusay in xisbiga kaliya ee maanta saxada siyaasada ka muuqda uu yahay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, halka uu xisbiyada mucaaridka ah uu sheegay in ay saxada ka baxeen, islamarkaana ay siqiireen.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in uu dhisi doono xisbiga KULMIYE, muddada uu joogo, isaga oo tilmaamay in ay wax badan dalka ka qabteen, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siinayayu Tv-ga Sahan.

Siyaasi Maxamed Cabdillaahi Uurcade  isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaa gef ah in la yidhaaho Somaliland ayaa xildhibaano ay ka joogaan Soomaaliya, niman suuqa Ceel-gaabta Xamar laga ururiyay ayaa jooga oo la yidhi xildhibaano ayaad tihiin iyada oo lala dagaalamayo Somaliland ayaa innaga jooga, abti iyo xidid lala yahay ayaa meesha jooga, oo Farmaajo inta uu Ceel-gaabta ka soo ururiyay uu yidhi xildhibaano ayaad tihiin, xildhibaano waa kuwa aanu imika dooranayno, kuwaasi ayaa Somaliland-na matala iyo kuwii hore loo doortay ee golayaasha Qaranka jooga”

Siyaasi Uurcade isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu yidhi. “Waxaa aan ka soo qayb galay munaasibada shaaciinta laba xildhibaan oo ay soo bandhigayso beel ka mida beelaha Somaliland oo aan ana aan ka mid ahay, islamarkaana  noo mateli doona golaha degaanka iyo wakiiladda, waxaanu goobta keenay oo aanu soo xulay ragg mujaahidiin ah, ragg injineero  ah, rag aanu is leenahay waddankan wax badan aya”

Sidoo kale waxaa uu xusay in xisbiga kaliya ee maanta saxada siyaasada ka muuqda uu yahay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, halka uu xisbiyada mucaaridka ah uu sheegay in ay saxada ka baxeen, islamarkaana ay siqiireen. “Wixii Qaranka dhisaya oo dhan waan taageersanahay balse, xisbiga kaliya ee maanta jira waa xisbiga KULMIYE, isagana ka muuqda maanta waddanka, wixii mudadiisa uu qabanaya waanu la qabaneynaa, waanu la dhisaynaa.

Way fiicnaan laheyd in xisbiyada mucaaridku doorkooda qaataan balse ma muuqato door xisbiyada mucaaridku maanta qaadanayaan, sharciyan waa ay jiraan balse waa ay si qiireen labadii xisbi ee kale, waxaanad mooda in aanay saaxadaba ku jirin, xisbiga kaliya ee saaxada maanta ku jira waa KULMIYE, xisbiyada kalena waanu ugu baaqi laheyn in ay saaxada soo gaalan.

Xukuumadda Somaliland waxaa ay gaadhay in laba qof oo walaalo ahi ay mar kaliya shaqo ku soo wada baxaan, waxaa ay ku guuleysatay barnaamijka shaqo Qaran, oo camal la’aantii meesha ka saaray dhallinyarada jaamacadaha, dekaddii Berbera waad aragtaan halka ay mareyso, wax badan ayay qabatay, wax badan oo u baahann  in ay wax ka qabataana waa qabyo”

Leave a Reply