Adeegga Liisamada iyo Buugaagta Gaadiidka oo laga Daahfuray Ceerigaabo

0
522

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa Shalay ka daahfurtay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag Mishiinka Daabacaadda Liisamada iyo Buugaagta Gaadiidka.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeediyay daahfurka Daabacaada Liisamada Gaadiidka ee gobolka Sanaag,ayaa sheegay in Gobolka Sanaag yahay Gobolkii shanaad ee laga hirgeliyo adeegga.waxaanu yidhi”Farxad ayay noo tahay in aanu idin soo gaadhsiino Mishiinkii Liisamada Baabuurta Qofkii ay dhibaatada ku noqon jirtay in uu Hargeysa iyo Burco u tago adeegii Liisamada waxa aanu idiinku keenay Magaalada Ceerigaabo,waxaanad tihiin Gobolkii Shanaad ee adeeggan la keenay,waxyaabo badan oo culays idinku ahaa ayuu idiin fudaydan doonaa waxaana halkan lagu gali doonaa Imtixaanka Dirawal nimada.”.

Maayarka Magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo hadal ka jeediyay munaasibadda daahfurka adeegga liisamada ee Ceerigaabo ayaa ku ammaanay Wasiirka Gaadiidka waxa uu qabtay mudadii uu xilka hayay.waxaanu yidhi”Waxa aanu qiraynaa Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in uu wax badan qabtay Gobolkani waa Gobol ballaadhan,waxaanan rejaynaynaa in wixii aad nagala qaban karto nagala qabato Waddooyinka Gobolkan.”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cismaan Xasan iyo Mareeyaha Hay,adda Waddooyinka Somaliland Axmed Yuusuf Maxamed oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa iyaguna dhankooda waxa ay soo dhaweeyeen Mishiinka Daanacaada Liisamada Gaadiidka ee la keenay Magaalada Ceerigaabo.waxaanay tilmaameen in baahi weyn uu u qabay Gobolka Sanaag.

Leave a Reply