Golaha Wakiillada Somaliland oo la Horgeeyay Miisaaniyad Sannadeedka dawladda ee 2021-ka

0
793

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shalay Odoroska Miisaaniyad sanadeedka  dawladda ee sannadka 2021-ka horgeeyey golaha wakiiladda, taas  sida uu sheegay  ay wadarta guud  ka badan tahay miisaaniyadii sannadkii hore 2020-ka 4.8%.

Sidoo kale masuuliyiinta wasiirka la socday waxaa ka mid ahaa  wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda mudane Muuse Ibraahin Selef, agaasimaha guud mudane  Maxamed Cabdi Gurxan, agaasimaha waaxda miisaaniyadda, xisaabiye ku xigeenka guud ee Qaranka, agaasimaha waaxda dhaqaalaha, aagaasime ku xigeenka waaxda  xidhiidhka dadwaynaha.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. Sacad ayaa golaha ka horu jeediyey warbixintii Miisaaniyadda, taas oo uu u faahfaahiyey qaybaha ay ka kooban tahay Miisaaniyadu iyo meelaha loo qoondeeyay.

Sidoo kale Dr. Sacad waxaa uu sheegay in sannadka 2020 uu ahaa mid adag oo saameyn weyna ku yeeshay dakhligii miisaaniyad sannadeedka, kuwaasi oo ay sababeen xannuunkii safmarka ahaa Covid-19, Ayaxii ku habsaday beeralayda dalka, xayiradii Xajka iyo xaalada Itoobiya ka soo cusboonaatay oo xidhiidh dhaqaale innaga dhaxeeyo.

Dhanka  kale waxaa uu sheegay in miisaaniyada Qaranka laga maalgelin doono mashaariico kala duwan oo geedi socodka Qaranka mihiim u ah.

 

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. Sacad ayaa golaha ka horu jeediyey warbixintii Miisaaniyadda, taas oo uu u faahfaahiyey qaybaha ay ka kooban tahay Miisaaniyadu iyo meelaha loo qoondeeyay isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi. “Habka miisaaniyada loo diyaariya waa 11 qodob, sannadkani waxaa uu ahaa sannad adag, waxaana dhaqaalaha soo gaadhay hantaaqooyin badan, islamarkaana saameeyay miisaaniyada sannadkan, iyo miisaaniyada sannadka soo socdaba, hantaaqooyinka waxaa ka mid ahaa Ayaxii innagu habsaday, xayiradii xajka la saaray, xayiradii isu socodka bulshooyinka caalamka la saaray,  iyo xaalada Itoobiya oo dhaqaale ahaan aynu aad ugu xidhanahayay, xannuunkii safmareenka ahaa Covid-19”

Dr. Sacad waxaa uu is dul taagay inta ay noqoneyso miisaaniyadda dawladda  dhexe. “Miisaaniyada dawladda dhexe waxaa ay noqon doonta laba tiriliyan iyo boqol iyo laba bilyan, marka loo eego tii sannadkii hore waxaa ay ka badan tahay laba dhibic toddoba, guud ahaana miisaaniyaddu waxaa ay ka kooban tahay lix madax, ka ugu horeeya waa miisaaniyada dawladd dhexe, shanta madax ee kale waxaa ay ka kooban yihiin miisaaniyada dawladda hoose , miisaanida SDF, waxaa u danbeeya mashruuca GPLG, ee maamul daadajinta, marka la isku wada daro lixda madax, miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2021-ka waxaa ay noqonaysaa laba tiriliyan sideed boqol iyo laba iyo sideetaan, waxaanay tii hore ka badnaaneysa boqolkiiba afar dhibic sideed, dakhliga aynu odorosnay ee miisaaniyada ku jira waxaa uu ka imanayaa oo aan isku koobaya cashuuraha dawladda dhexe, waxaanu ka imanayaa cashuurta iibka, cashuurta mushaharka iyo ta macaashan macaashka”

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay mashaariicaha sannadka innagu soo foolka laga maalgelin doono miisaaniyada iyo cashuurta muwaadinka waxaanu yidhi. “Mashaariicaha ay dawladdu maalgelineyso sannadka 2021-ka, kuwo laga fulinayo dhinaca waxbarashada, caafimaadka, beeraha, deegaanka, sahaminta macdanta, boosaha iyo tecnoolojiyada, ciyaaraha iyo dhallinyarada, shaqo Qaran, xoolaha, waddooyinka, doorashooyinka, iyo goobo warshadeed, waxaana laga maalgelinaya miisaaniyadeena iyo cashuurta laga qaado dadkeena”

Waxa kale oo uu ka hadlay Dr. Sacad saddex mashruuc oo uu baanka adduunku maalgelintooda bixinayo waxaanu yidhi. “Baanka adduunku waxaa uu inoo maalgeliyay saddex mashuur, dib u habeynta shaqaalaha dawladda, horumarinta korontada iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda, saddexdaasi mashruuc ayuu baanka adduunku innaga caawiya”

“Waxaa isna sanduuqa SDF sannadkan soo socda loo qoondeeyay in  laga maalgelinaya lix mashruuc oo  kala ah, dekadda Maydh, waddada Berbera iyo Burco isku xidha, iyo  baadhinta caasimada Hargeysa, ka hortaga nabaad-guurka, biyo balaadhinta Borama, iyo caafimaadka, iyo caafimaadka tayeynta xoolaha”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shire.

 

 

Leave a Reply