Somaliland oo War ka soo saartay Shirkii Soomaaliya  iyo Beesha Caalamka

0
689

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirkii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aanay waxba ka khuseynin shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isla markaana uu gaar u ahaa labada dhinac loona qabtay Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda.

 

Sidoo kale waxaa  Faratoon sheegay in aanay marnaba  Somaliland gor-gortan ka geli doonin madax-banaanideeda, islamarkaana ay xaq u leeyihiin in la siiyo aqoonsi caalami ah, waxaanu caddeeyay in aanay  khuseynin shirarka loo qabto Soomaalida.

 

Wasiir Faratoon isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Marna Somaliland ka gor-gortami meyso madax banaanideeda waa dal jira oo leh nidaam dawladinimo, Calan uu ku qoran yahay tawxiidka ALLE, madaxweyne Shacabkiisu si xor ah u doorteen iyo hey’adddo dowladeed oo dhameystiran leh”

 

Waxaa kale oo sheegay  inay wadaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan aqoonsi Caalami ah, isagoo xusay inay arrintaasna ku rajo weyn yihiin. “Waxaanu ugu baaqeynaa Beesha caalamka inay tixgeliyaan rabitaanka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskama iman ee shacabkaa u codeeyey”

 

Leave a Reply