Xukuumadda Somaliland oo Qabanaysa Tartan Noociisu Cusub Yahay

0
439

Hargeysa-(Dawan)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sannadka cusub ee 2021 bilaabaysa tartan loo qabanaayo dhallinyarada dalka ee bartay cilmiga IT-ga.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ayaa sheegay in dhallinyarada bartay Cilmiga IT-ga ay ku tartami doonaan aqoontooda Tiknoolajiyada.

 

“Waxanu qaban doona tartanka qaran ee hal-abuurka Tiknoolajiyada, kaasi oo ujeedadiisu tahay in aanu dhiirigelino dhallinyarta leh hal-abuurka Tiknoolajiyada waxaanu dhici doona 15 bisha labaad ee sannadka 2021.”

 

Wasiir Cabdiweli Cabdilaahi Suufi, ayaa telefashanka MMSomali u sheegay in muhiimada ay saarayaa shan qodob oo la xidhiidha adeegyada bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada , Deegaanka , Xoolaha iyo beeraha kuwaasi oo dhallinyarada laga doonayo in ay soo bandhigaan aalad farsamo oo caawinaysa adeegyadaasi.

 

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa magacaabaysa guddi madaxbanaan oo kala saarta Aaladaha farsamo ee ay dhallinyaradu soo bandhigaan.

 

Guddida ayaa hubi doona in hal-abuurka tartanka ay leeyihiin dhallinayaradun iyo in ay tahay xuquuq ay cid kale leedahay oo ay soo maanguuriyeen .

 

Wasiir Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ayaa sheegay in tartanka aanay kasoo qaybgeli doonin shirkaddaha hadda shaqeeya iyo dadka ka hawlgala ee hore suuqa ugu jiray .

 

“Shirkaddaha shaqeeya ee sameeya aaladdaha farsamo ee dadka ka iibiya iyo kuwa u shaqeeya kama qayb ah tartanka waayo suuqa ayey hore ugu jireen” ayuu yidhi

 

Tartanka ayaa noqonayaa mid noocisu u uku cusub yahay guud ahaa degaanada Jamhuuriyadda Somaliland waana mid lagu dhiirigelinaayo dhallinyarada hal-abuurka farsamo leh ee dhinaca Tiknoolajiyada .

 

 

Leave a Reply