Madaxweynaha JSL oo lagu soo dhaweeyey Hargeysa

0
380

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hogaaminayey, ayaa dalka ku soo laabtay kaddib booqasho saddex maalmood ah oo ay ugu maqnaayeen Dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa si diiran ugu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee caasimada Hargeysa, Madaxweyne ku-xigeenka, madaxda Goleyaasha Baarlaamanka, madaxda Ciidamada, xubno kamida golaha Wasiirrada, maamulka heer gobol iyo degmo iyo boqolaal dadweyne ah.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxa ka qayb-qaadanayey ururrada Bulshada, Iskaashatooyinka kala duwan iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo ay dadweynuhu jidka isku xidha garoonka diyaaradaha iyo magaalada ay safnaayeen wakhti dheer, halkaana ku sugayeen weftiga saacado badan.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL markii uu soo degay warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalkiisa iyo natiijada kulamadii uu la yeeshay dhigiisa Kenya Uhuru kenyatta.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply