Madaxdhaqameed bogaadiyey natiijada socdaalkii Madaxweynaha JSL ee Kenya

0
495

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo kamida madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa tahniyadeeyey guulaha siyaasaddeed ee weftiga Madaxweynaha JSL ka soo hooyeen socdaalka Kenya.

Suldaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee Xamar u shaqo tegay, kaddibna halkaa isku qabqabsaday, kuwaasoo uu tilmaamay in aanay jirin cid ay ku metelaan Maamulka Xamar ee ay yihiin dad iskood u shaqo tegay.

Suldaan Maxamed, ayaa si gaar ah amaan ugu jeediyey Reysalwasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo uu sheegay in uu yahay hogaamiye wax badan ka og qadiyada Somaliland, xogogaalna u ahaa “Raila Odinga waa nin xog badan haya oo Somaliland iyo Soomaaliya sidii ay ahaayeen, sidii ay isu raaceen iyo soddonkii sannadood ee la soo dhaafay cid waliba wixii ay qabsadeen og”.

Mar uu la hadlayey siyaasiyiinta calooshooda u shaqaysteyaasha ah ee Soomaaliya u shaqo tegay waxa uu yidhi “waan maqlayey niman Xamar ku murmayey, laakiinse waxaan u sheegayaa ma jirto cid ogolaanshiyo ka haysata shacabka Somaliland oo muqdisho joogtaa in aanay haba yaraatee jirin, oo ku metesha maamulkaas Xamar.

Nimankaasi waa dad iskood u shaqo tegay oo halkaa iska jooggay awalna horeba u joogay oo cid ay metelaan jirin, markaa wax saameyn ah kuma yeellanayaan arrimaha Somaliland”ayuu raaciyey.

Dad badan oo qaybaha bulshada kamida ayaa soo dhaweeyey socdaalka weftiga Madaxweynuhu kaga soo laabteen dalka Kenya, kaasoo qodobada heshiiska ee ay kala saxeexdeen madaxweyneyaasha labada dal muhiimad weyn ku yeeshay.

Leave a Reply