Olalaha Walaalaha Dharka Buluugga Ah!

0
850

Dugsiga sare ee  Palma oo ku yaalla gobolka Californiya ee dalka Maraykanka ayaa bilaabay barnaamig akhris ah oo lagu xoojinayo isdhexgalka ardayda iyo maxaabiista jeelka Solidada ku xidhaniyo. Isu keenista ardayda iyo maxabiista ayay ujeedadu ahayd inay bartaan isla markaana horumar ku sameeyaan is fahanka.

Koox arday ah oo kuwa daadalka badan ah ayaa la soo saaray oo arintaasi kala qayb qaadan jiray maxaabiista. Laakiin maalin ayuu ardayda kii ugu dadaalka badnaa oo lagu magacaabo Sy Green  la sheekaystay maxbuus isagoo waayihiisa uga warmay.

Sy Green waxa uu u sheegay maxbuuska inuu dadaalayo laakiin xataa aanu bixin karin feega waxbarashada ee dugsiga bishii oo gaadhaya $ 1200. Isagoo u raaciyay inay tahay waalidka oo sabool ah oo aan awoodin. Arinkaasi ayaa maxaabiista isugu sheekaysay oo isla dhex qaadeen, waxaana ay go’aansadeen inay ardaygaasi caawiyaan ilaa inta uu ka dhamaynayo Jaamacadiisa.

Sida ay baahisay Telefishinka CNN, barnaamij loogu magac daray walaalaha dharka buluuga ayaa lagu soo ururiyay lacag dhan $ 30 kun doller, taasi oo ay ugu talo galeen ilaa iyo inta uu dhamaynayo jaamacadda.

Maamulka dugsiga ayay hantidaasi ku wareejiyeen iyagoo u sheegay inuu siiyo ardayga dadaalka badan ee dugsiga oo ay ula jeedeen Sy Green oo ay ku ogaayeen dadaalkiisa xoogan.

Maamulka ayaa lacagtaasi gudoonsiiyay ardayga lagu magacaabo Sy Green. Telefishanka CNN oo dareenkiisa weydiiyay Sy Green markii uu gudoomayay lacagtan ayaa yidhi :”Dadaalka iyo nafhurinimada ay u sameeyeen waxbarashadayda  boqolaal rag ah oo weliba xidhani waxay igu kelifaysa inaan dadaalo ilaa inta aan gebgebaynayo waxbarashada”. Wakhtigan  oo uu dhameeyay dugsiga sare waxa uu  booqasho ugu tegay maxaabiista iyagu xabsi daa’inka ku xukunaa ee xabsiga Solidad ee Californiya, isagoo ay weheliyaan waalidiintiisu, si uu mar kale ugu mahadnaqo.

Leave a Reply