74 Sano Ayay Jaamacad Kaga Qalinjebisay

0
421

Pat Ormond waa islaan 74 sano jir ah oo Maraykanka u dhalatay,  waxaana ay ka qalin jebisay bishii hore Novemeber jaamacada iyadoo ay wehelinaysay gabadh ayeeyo u tahay oo lagu magacaabo Melody , dadeeduna tahay 22 sano, taasi oo ay isku mar wada qalinjebiyeen.  Pat Ormond waxa ay  bartay cilmiga bulshada (anthropology) waxaana ay ka qaadatay shahaado diploma ah jaamacadda Kennesaw ee Atlanta dalka Maraykanka sanadkii 1978, oo ah 42 sano ka hor.

Wakhtigaasi ayay bilowday shaqo, si ay ugu kuriso caruurteeda oo uu ka mid ahaa Inanta la qalinjebisay eeMelody aabaheed.  Gabadha Melody oo 22 sano jirtay oo ay ayeeyo u tahay Pat Ormond oo u waramaysay CNN ayaa tidhi :” Waan garanayay inaan anigu qalin jebin doono , laakiin marna ma filayn in ayayday Ormonda ay ila qalinjebin doonto”.

Ayeeyada Pat Ormonda oo iyaduna aad u faraxsan ayaa tidhi :” Waan sugyay farxdani inay mar isoo marto, waana maalin igu weyn”  “ Wabarshadu ma dhamaato , aabahay ayaa sidaa igu odhan jiray”.

Leave a Reply