Iiraan oo loo jeediyey fursad muhiim ah

0
356

Dalalka isku dayaya inuu sii jiro heshiiskii 2015 laga gaadhay barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaa Isniintii isku raacay inay wax ka qabtaan suurta-galnimada in Mareykanka lagu soo celiyo heshiiskaas, marka Joe Biden uu la wareego xilka madaxweynaha.

Wasiirka arrimaha dibedda Germany ayaa kula taliyey Iran inaysan iska khasaarin fursaddan oo ugu yeedhay tii ugu dambeysay.

Dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ayaa markii ugu horreysay muddo sanad ah waxay shalay ku kulmeen qaab Online ah, xilli heshiiska uu ku jiro wax uu wasiirka arrimaha dibedda Germany Heiko Maas ugu yeedhay “marxalad hoobad ah”, taasi oo ka dhalatay cadaadiska xooggan ee Mareykanka uu saaray Iran, iyo xadgudubyada Tehran ay ku sameyneyso heshiiska.

Dalalka oo kala ah Germany, France, Britain, China iyo Russia ayaa isku dayey in hehsiiska laga bad-baadiyo inuu burburo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si iskiis ah uga baxay sanadii 2018.

Saddexda dal ee reer Yurub ee heshiiska ku jira ayaa rajo ka muujiyey in isbeddelka maamul ee Washington uu Mareykanka dib ugu soo celin karo heshiiska.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa horey u sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu kusoo laabto heshiiska, la gaadhay intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

Leave a Reply