Madaxweynaha JSL oo gaadhay caasimada Dalka Djibouti

0
790

Madaxweynaha JSL iyo wefti uu hogaaminayo oo saaka ka dhoofay magaalada Hargeysa, ayaa gaadhay magaalada Djibouti, halkaasoo ay uga bilaabmayso booqasho rasmi ah oo uu marti-qaad uga helay Dawladda Jamhuuriyada Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah tii koowaad ee uu madaxweynuhu ku tago dalkaasi tan iyo wixii ka dambeeyey wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee badhtamihii sanadkan ka qabsoomay Magaalada Djibouti.

Dhinaca kale, booqashada ayaa ku soo beegantay laba maalmood kaddib markii halkaasi lagu qabtay Shir ay yeesheen hogaamiyeyaasha Urur-goboleedka IGAD, kaasoo ahaa shir aan caadi ahayn oo madaxda Gobolku muddo hal maalin ah kulamo ku yeesheen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo waxa madaarka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dawladda Djibouti.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in weftiga madaxweynuhu kulamo la bilaabaan madaxda dalka Djibouti.

Leave a Reply