Markab Sida Wiishash Lagu Rakibaayo Dekedda Cusub oo Berbera Soo Gaadhay

0
117

Berbera-(Dawan)-Dekedda Berbera ayaa waxa soo gaadhay Markabka lagu soo raray Afar ka mid ah Siddeeda Wiish ee lagu rakibaayo Dekedda Cusub .

 

Maareeyahaka Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa sheegay in uu soo gaadhay Markabka lagu soo raray Afar ka mid ah Siddeeda Wiish ee lagu rakibaayo Dekedda Cusub  “Waxa aannu Dekedda Berbera ku soo xidhnay, Markabka lagu soo raray Afar ka mid ah Siddeeda Wiish ee lagu rakibaayo Dekedda Cusub ee Berbera (Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs). Iyadoo Afarta kalena ina soo gaadhi-doonaan badhtamaha Bisha 1aad ee Sannadka cusub, 2021” ayuu yidhi

 

Dekedda Berbera ayaa waxa ka socota balaadhin iyo Casriyan taasi oo la filaayo in ay noqoto marinka ugu muhiimsan ganacsiga Afrika iyo Aasiya .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here