Xukuumadda Somaliland oo Dalka dib ugu soo celisay 48 Dhallinyaro ah Hore u Tahriibay

0
565

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’addaha UNHCR iyo IOM ayaa dalka dib ugu soo celisay 48 ka mida dhallinyarada reer Somaliland ee hore u  tahriibay,  iyada oo ka  soo celisay dalka Liibiya.

In ka badan afartan tahriibayaala oo u dhashay Somaliland, oo ay weheliyaan carruur aad u yar yar ayaa doraad soo gaadhay magaalada Hargeysa, kadib markii laga soo samata bixiyay gacanta Magafaha iyo dhibaatada ka taagan dalka Liibiya.

Wasiirada wasaaradda, shaqo-gelinta, cadaaladda, guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland, iyo saraakiil ka tirsan hay’adda IOM

Guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha Cabdikariim Axmed Muxumed (Xinif), ayaa ka waramay qaabka ay ugu suuragashay in dalka ku soo celiyay Tahriibayaal gacanta ugu jiray Magafayaasha”Maanta idiinku horeysa xoriyad, halkaasi hadaad seexataan ama ku gaajootaan cid idinka kicinaysa ma jirto, intan in ka badan ayaa na soo martay, oo aanu hore u soo celinay, iyaga oo lugaynaya, oo bad qaba oo caafimaad qaba oo aan waxba qabin, iyaga oo gaadhi curyaan saaraan aanu diyaarada garbaha kaga soo rognay ayaa jira.

Waxaa soo celintooda iska kaashaday dawladda Somaliland iyo hay’addaha IOM iyo UNHCR, maanta waxaa idinka farxad badan idinka hooyooyinkiin”

Leave a Reply