“Waxaan doonaynaa in Midowga Afrika Aqoonsado Somaliland ” Nxumalo

0
1016

Hargeysa-(Dawan)-Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wada qorshe ay aqoonsiga Somaliland ugu gudbinayso  Ururka ay Bahoobeen Waddamada Afrike ee “Midowga Afrika”

Nxumalo oo waraysi siiyey Somaliland Chronicle ayaa sheegay in Somaliland ay kala shaqaynayaa arrimaha ganacsiga, isku socodka bulshada iyo arrimaha dublamaasiyadda.

 

“Hadda waxa aan doonaynaa in Koonfur Afrika ay si rasmi ah go’aan uga gaadho in dal loo aqoonsado Somaliland, waxaanu doonaynaa in aan u tagno Midowga Afrika oo aan u sheegno in Koonfur Afrika ay rabto in la siiyo fursad ay ku aqoonsato Somaliland qaran ahaan.” Ayuu yidhi

Todobaadkii hore ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Leave a Reply