Wiishash Casriya oo Soo Gaadhay Dekadda Berbera

0
550

Berbera-(Dawan)-Siddeed Wiish oo ah nooc casri ah, ayaa soo gaadhay Dekedda Magaalada Berbera, kuwaas oo loogu talo galay in ay raseeyaan Konteynarada Dekedda cusub ee Berbera.

Maareeyaha Dekedda Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa sheegay in ay xalay Dekedda Berbera uu ku soo xidhay Markab soo qaaday afar wiish oo ka hadhnaa, siddeed wiish oo Dekedda cusub ee Berbera ka shaqaynaya “Waxa aannu Xalay Saqdii dhexe ku soo xidhnay Dekedda Berbera, Markabkii soo qaaday Afartii Wiish ee ka hadhsana Siddeeda Wiish ee aannu ugu tala-galnay in ay raseeyaan Koonteynarada Dekedda Cusub ee Berbera ( 8 Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs). Siddeedii Wiish ba hadda waa ku diyaar Dekedda Cusub ee Berbera. Sidoo kale waxa aannu dhawaan soo rari doonna Saddex Wiish (3 STS Gantry Cranes), oo ah nooca ka roga Maraakiibta Koonteynarada oo lagu rakibi doono Dekedda cusub Insha allah.” Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan

Leave a Reply