Ilaalida Ayaa Lagu Xukumay Magdhowga!

0
729

Maxkamadaha dunida ayaa marar badan dadka ayay yaab ku ridaa xukunka aan hore loo arag ee ku kala saaraan dadka usoo dacwooday.

Dalka Maraykanka  nin dhallinyaro ah oo lagu magacabo Mr.Daniel Dukes ayaa la dilay , ka dib markii uu isku dayay inuu si qarsoodi ah u galo beer xeebta badda ku taalla oo loogu magaca daray aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga badaha oo Maraykan ah.

Beertan oo ah goob dalxiis isla markaana leh goobo lagu dabaasho, waxa jooga ilaalo xoogan oo dadka ka ilaaliya. Wiilkaasi ayaa dhex galay biyaha badda si uu ugu dabaasho goobaha raaxada leh, isagoon ogayn meelaha halista ah , markii uu usoo dhacay beerta waxa uu galay goob halis oo uu joogay Nibri kaasi oo isla markiiba dilay.

Laakiin waalidka dhalay  wiilka ayaa dacawada ku oogay ilaalada beerta isagoo sheegay inay ku fashilmeen Nibiriga halista ah inay dadka ka ilaaliyaan, taasi oo ahayd sababta uu u dhintay wiilku. Maxkamadda aya xukunka ku riday ilaalada iyadoo u cuskatay inay hawshooda ilaalinta ah dayaceen isla markaana ay bixiyaan magdhowga shilkaasi.

Waxa kale iyana ka mid ah dacawadaha dadku la yaabeen  markii gabadh ay ku qabsatay huteelada waaweyn midkood xaflad soo jeed oo ay saaxibadeed ku casuuntay. Kharashaka xafladda ee laga rabay gabadha ayaa noqday 3000 doller.

Gabadha ayaa markii xafladii gebgebo ku dhowadahay isku deyday inay la baxsato kharashka lacagta laga rabo. Waxaana ay doonaysay inay ka dhcado daaqad ku taallay suuliyada huteelka midkooda.

Nasiib darro markii ay dhacaysay ayay siibtay oo isla markiiba dhulka afka ku dhufatay waxaana ka dhacay ilkaheeda hore sida foolasha.  Gabadhaasi ayaa maxkamadda dacawad u gudbisay iyado sheegtay inay sabab u ahaayeen daaqadah liita ee qofka u sahlaya inuu baxsado ama dhaco. Waxaana yaab noqotay markii maxkamaddu kiisaka ku riday Huteelka iyo qaabka u dhisan yahay inay sababtay inay gabadhu ku fikirto inay baxsato sidaa awgeedna ay ganaaxday 12 kun doller inay siiyaan gabadha si ay ilkaha ugu gashato, dhaawaca soo gadhayna iskaga dawayso.

 

 

 

 

Nin beerlay ah ayaa saacadiisa gacantu ay kaga dhacday  Makhsinka lagu kaydiyo Midhaha beerta. Waxay ahayd saacad dareen gaara  ku lahayd naftiisa.  Muddo ayuu aad uga  baadhay qolka laakiin wuu ka quustay inuu helo.  Dhalinyarada beerta uga shaqaynaysay ayuu u balan qaaday inuu siin doono abaal marin qofkii uga soo hela saacadiisa bakhaarka midhaha lagu kaydiyo.

 

Dhalintaasi ayaa aad ugu dadaashay inay helaan iyagoo mid kasta u baadhay si uu abaal marinta u kasbado, laakiin midkoodna kuma guulaysan waana ay ka quusteen.

Wiil yar oo ka mid ah dhalinyarada beerta ayaa mar kale codsaday inuu dib u baadho, isagoo beerwalaha oo farxsan ayaa u ogolaaday inu mar kale isku dayo .

Muddo yar markii uu  baadhayay wiilka yari ayuu isagoo gacanta ku sida saacaddii ku soo  noqday ninkii beerta lahaa. Aad ayuu farxay, laakiin wuu yaabay waxaana uu weydiiyay sida auu ku helay?

Waxaana uu ku jawaabay “ Waxba kale maan samayn , waan fadhiistay oo waan aamusay , waxaana aan dhegaysanayay sanqadheeda, taasi ayaa ii suuragelisay inaan maqlo saqadha saacadda. Ka dibna waxaan ka soo saaray halki aan ka maqlay sanqadheeda. Qisada waxay inoo muujinaysa in marar badan aynu u baahanahay in aan arin kasta xasilooni iyo deganaan lagu gaadhi karo.

 

Leave a Reply