Hawlkarku Waa Hooyada Horumarka!

0
514

Saacadaha shaqada ee badan isla marakaana uu weheliyo ujeedo cad ayaa lagu xaqiijiya qorshaha horumarineed ee la dejiyay. Dalka Japan wuxu ka mid ahaa dalalkii ku burburay dagaal weynihii labaad, haddana  wakhtigan waa dalalka dhinaca dhaqaalaha hogaamiya dunida. Arintani ayaa sabab looga dhigay iyagoo shacbiga dalkaasi si joogto ah u sheqeeya.

 

Daraasad ay samaysay jaamacadda Wasada ayaa cadaysay in muwaadinka Japan uu sharci ahaan ahaan maalintii xaq loogu leeyahay inuu sheqeeyo 8 Saacadood iyo 40 daqiiqo, laakiin ay haddana sheqeeyaan 12 saacadood maalin kasta iyagoo qabta shaqooyin dheeraad ah, kuwaasi oo ah dadka da’doodu u dhaxayso 20- 40 sano.

Dalka Japan ayaa noqday dal horumar ku sameeyay sida uu uga faa’iidaystay xoogga bulshadiisa iyo wakhtiga uu haysto ( Human recourses and Time) inkasta oo aanu lahayn khayraad dabiici ah. Waxaana bulshadan lagu tilmaamaa kuwo u sheqeeya sida unugyada shinnida ee sida joogtada ah isku duubinada ah u sameeya malabka macaan. Waana tusaale dunida u muujiyay in hawlakrnimadu ay tahay hooyada horumarka, iyo markasta inaad ka faa’iidaysto awoodaada.

Leave a Reply