Xikmadaha Maanta

0
1126
  • Saddex Gorgorka kaga dayo Tixgelin, isku kalsooni iyo xorriyad.
  • Sirt guushu mar kasta waa inaad hore u socoto
  • Barashada dadka kale waa aqoon, laakiin barashada naftaadu waa xikmad.
  • Mugdiga habeenimo , waaberi dhoola cadaynaya ayaa ka danbeeya
  • Naftaada ugu naxariiso nacaybka, maxaa yeelay waa halaag iyo dab ololinaya.
  • Denbi kasta waxa uu leeyahay ujeedo. Dhiirigelintiisu waxa ay noqon kartaa nacayb, aargoosi, xaasidnimo, cabsi ama hanti doon.
  • Hantidaa ha kaga sheekayn saboolka hortiisa.
  • Ilaali sumcadaada, maxaa yeelay way kaa cimri dheeraanasaa.
  • Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhintaan qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufuhu isu bedelaan.   Waxa laga yabaa inaad maanta xoog tahay laakiin isbedelada dunida iyo wakhtigu ayaa kaa horeeya.

Leave a Reply