Mudahraado Xooggan Oo Ka Socda Wadanka Tuunisiya

0
917

Tunis (Dawan)- Booliska Tunisia ayaa sheegay inay xidheen in ka badan 600 oo qof iyadoo habeenkii afaraad ay socdaan dibedbaxyo rabshado wata, isla markaana dadka mudaaharaadaya ay dib ugu soo laabanayaan waddooyinka mar walba oo ay boolisku kala diraan.

Isniintii shalay ahayd, dadweyne mudaharaadayay oo badankood dhalinyaro ah ayaa mar kale isugu soo baxay bartamaha caasimadda, Tunis, iyagoo dhagxaan iyo bambooyin shidaal ka sameysan ku tuuraya booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo madfaca biyaha.

Tuniisiya waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran, saddex meelood meelna dhallinyaradeeda ayaa shaqo la’aan ah.

Dhibaatada dhaqaale ayaa kasii dartay iyadoo caalamka uu la daala dhacayay cudurka Safmarka ee Covid-19.

Toban sano kaddib kacdoonkii lagu riday Zine Abedine Ben Ali, taasoo ku faaftay waddamada Carabta, Tunisa waa waddanka kaliya ee ku guulaystay isbeddel dimuqraaddi ah. Si kastaba, rajadii laga qabay in isbeddelladan ay keeni doonaan shaqooyin iyo fursado badan ayaa lagu hungoobay.

Isku dhacyo ayaa laga soo sheegay Isniintii magaalooyinka ka baxsan cassimadda Tunis, sida, Kasserine, Gafsa, Sousse iyo Monastir.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in dadka la xidhay badankood tan iyo markii mudaaharaadyada hadda socda ee bilowday Jimcihii, ay ahaayeen carruur aan qaan gaadhin oo loo xidhay falal la xidhiidha burburin hanti iyo dhac.

Khaled Hayouni wuxuu sidoo kale sheegay in laba boolis ah lagu dhaawacay dibedbaxyada.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply