Dadka Dilka Lagu Xukumo Oo Hoos U Dhacay Dalka Sacuudiga

0
821

Jeddah (Dawan)- Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay “si aad ah” u yareeyay tirada dadka uu dilka ku xukumay, sida laga soo xigtay guddiga dowladda.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Sacuudi Carabiya (SHRC) ayaa diwaan geliyay 27 xukunno dilal ah oo la fuliyay sanadkii la soo dhaafay, taas oo ah hoos u dhac 85% ah marka loo barbardhigo sanadkii 2019.

Waxaa taas loo aaneeyay dib u dhigidda aan la sii shaacin ee xukunnada dilka ah ee dembiyada la xidhiidha daroogada.

Kooxda ololaha ee Reprieve ayaa ka digtay in laga yaabo in sanadkan ay kordhaan tirada xukunnada dilka ah.

“Hoos u dhaca waxaa qeyb ahaan loo aaneyn karaa xayiraadda Covid-19 laga soo bilaabo February ilaa April, markaas oo aysan dowladdu fulin wax xukun dil ah sababo la xidhiidha xayiraadaha lagu xakameynayo fayraska,” ayay tidhi kooxda.

“Dowladda ayaa soo jeedisay fulinta xukunnada dilka ah saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2020: saddex meelood meel dhammaan xukunnadii dilka ee la fuliyay sanadkii la soo dhaafay waxay dhaceen December keliya.”

Sida laga soo xigtay Amnesty International, Sacuudiga wuxuu sanadkii 2019 xukun dil ah ku fuliyay 184 qof. Kala bar waxay ahaayeen muwaadiniin ajnabi ah halka lixna ay haween ahaayeen.

Reprieve iyo Ururka Yurub-Sacuudiga ee Xuquuqda Aadanaha (ESOHR) ayaa isha ku haya kiisaska 80 qof oo la rumeysan yahay inay wajihi doonaan xukun dil ah.

Qaar badan ayaa loo dilay dembiyo la xidhiidha difaacidda xuquuqda aadanaha, sida ay sheegtay Reprieve.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply