Khaladka Maamul Ee Burburaya Shirkadaha Ganacsi!

0
481

Shirkadda Nokei waxa la asaasay sanadkii 1865 iyadoo taariikhdaasi fog  ku jirtay suuqa ganacsiga ee dunida, haddana shirkadda Microsoft ayaa iibsatay sanadkii 2014, waxaana ay o siisatay lacag dhan 5.44 bilyan oo Euro ah ama £ 4.61 Bilyan  ka dib markii ay is bixin weyday, isla markaana ay burbur ku dhowdahay.

Shirkii jaraa’id ee lagu baahinayay Iibka shirkadda NOKIA iyo inay la wareegtay shirkadda Microsoft  sanadkaasi  waxa ka hadlay maamulahii guud ee shirkadda NOKIA Mr. Steve Ballmer, khudbadii uu halkaasi ka jeediyayna waxa uu ku soo xidhay eraydan “We did not do anything wrong, but somehow, we lost”.  “ Ma jiraan wax khalad ah oo aan samaynay , haddana si ayuu khasaare noogu dhacay “. Erayadaasi ayaa dadkii maamulka kala shaqaynayay iyo isagaba ka oohiyay.

Waxa kale oo erayadiis ka mid ahaa “ Burburka Nokie waxay na baraysaa dhammaantayo cashar aad u qiimo badan”

NOKIE waxay ahayd shirkad weyn oo muxtram ah, wax khalad ahna kumay samayn gancsigeeda, laakiin haddana dunida ayaa si dhakhso ah oo cajiib ah isu bedeshay , taasi oo ka dhigtay tartamayaasheeda kuwo ka awood badan iyada.

Shirkadda waxa ka maqnaa aqoontii iyo isbedelkii sidaa awgeed waxa ay weyday fursadii ay ku noqon lahayd shirkad cimlaaqa oo weyn. Maaha intaasi keliya waxaaba ay weyday fursadii ay ugu sii jir lahayd dunida technooljiyadda casriga ee isbedelka joogtada ah ku jirta. Haa waa sidaasi xaalka dunidu hadii aanad isbedelka la socon tartanka waad ka hadhaysaa. Isbedelka haddii aad la socon weydo kaasi ayaa ah khaladka maamul ee burburiya shirkadaha ganacsiga.

Leave a Reply