Ximadaha Maanta

0
487
  • Ha jawaabin markaad cadhaysan tahay, ha balan qaadin markaad faraxsantay, go’aan ha gaadhin markaad cadhaysan tahay.
  • Noloshu way gaaban tahay, wakhtiguna waa cararaya , ka faa’iidayso wakhtiga.
  • Waxba kuma kala duwan xagga midabka Milixda iyo Sonkortu, laakiin inay kala duwan yihiin waxa lagu gartaa dhadhanka oo keliya. Dadkuna waa sidaasi waa isku muuqaal laakiin markaad la dhaqanto ayaad kala garataa ka wanaagsan iyo ka xun.
  • Kama baqdo qofka fikiraya ee khaldan, waayo wuu ka soo noqonaya khaladka markuu fahmo. laakiin waxaan u baqaa qofka saxan ee aan fikir lahayn ee dadka ku dayda, maxaa yeelay waa la leexin karaa.” Qaasli
  • Ha quusan, hana is dhiibin maalintaadu way iman doontaa. Dadal keliya ayaa ka xiga.
  • Haddii aad qof u caawiso inuu bedelkeeda ku siiyo, macnaheedu waa inaad ganacsi ku jirto.
  • Qofka u muuji wanaagga aad u hayso inta uu noolyahay, maaha maalinta uu dhinto.

Leave a Reply