Aragtida Wanaagsan Waa Natiijada Fiican!

0
563

Waxa la sheegay in nin xakiim ah ay maalin gabadhiisu ku tidhi “ Maan arag reerkiina dad ka xun! Waxaana uu weydiiyay sababta?

Waxaana ay ku jawaabtay: “Waxa ay inoo yimaadaan marka aan xoolo haysano, markaan sabool noqono inooma yimaadaan.!

Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa: “ Taasi waa akhlaaqda wanaagsan, waayo inooma imanayaan marka aynaan waxba  tari  karin, waxaana ay og yihiin in aynaan awood u lahayn waxtarkooda”.

Sidaasi ayuu qofka akhlaaqda wanaagsani dhinaca fiican wax uga arkaa. Dhaqanka ay gabadhu u aragtay xumaanta waxa uu ugu muuqday odaygeeda mid wanaagsan oo naxariis leh. Marka aad ku bedesho fikirka xun mid wanaagsan waxaad bilaabi doonta natiijooyin wanaagsan.

Leave a Reply