Khiyaamo Ayuu Ku Noqday Maalqabeen!

0
456

Sida lagu daaabcay barta site Nesperd waxa jirtay qiso yaab lahayd oo xidhiidh la lahayd khiyaamo xeeladaysan oo lacag ah. Waxaana lagu daabacay in nin Maraykan ahi oo aad sabool u ahaa uu maalin si xoog leh uga fikiray siduu uga bixi lahaa fakhriga isaga iyo qoyskiisan haleelay.

Waxaana uu go’aansaday inuu wargeysyada Maraykanka ku qoro ogaysiiskan ah: “ Haddii aad doonayso inaad maalqabeen noqoto , u dir hal doller sanduuqa No:… , ka dibna waxaad noqon doontaa qof maal qabeen ah.

Sida aadamiga lagu yaqaano markiiba beentaasi ayay rumaysteen dad badani, maalaayiin dad ah ayaa markiib u diray halkii doller iyagoo filiyay inay noqon doonaa maalqabeeno.

Muddo yar ka dib ayuu ninkii helay malaayiin doller, waxaana uu sidaasi ku noqday maalqabeeneeda ugu waaweyn.

Intaasi ka dib, waxa uu ku qoray wargeyska cinwaan cusub oo ah “ Sidaasi ayaa lagu noqdaa maalqabeen”! Isagoo isagu is tilmaamaya.

Markii uu ogaysiiskaasi danbe daabacay ayay dadku ka soo hojeesteen isla markaana maxkamada ay ka dacweeyeen iyagoo sheegay inuu khiyaameeyay oo been ku urursaday lacagtoodii?.

Laakiin Maxkamadii markii ay dhegaysatay dacawadda waxa xaakinku weydiiyay  “ miyay jiraan waraaqo iyo heshiisyo aad kala qorateen labadiina dhinaca, ” ? Waxaana ay dhamaantood ku jawaabeen “ Maya”. Xaakinka ayaa markaasi ku qancay xukunka waxaana uu ku soo xidhay maxkamadda Odhaahda ah: “ Sharcigu ma ilaaliyo kuwa aan waxba fahmin ee Nacsyada ah”.  Aad ayay u badan yihiin shirkado iyo dad nidaam khaldan ku shaqaysanaya oo raba inay sidaasi maalqabeeno ku noqdaan.

Leave a Reply