Naxariistu Waa Astaamaha Dadka Wanaagsan!

0
823

Nin cabqariya oo Caqli badan oo fadhiyay webiga dhiniciisa isagoo daawanaya, ayaa arkay Dabaqalooc biyaha ku ku haftay.

Markii uu gacantiisa kaga soo saar is yidhi waa uu qaniinay oo dib ula soo booday ganactiisa. Wax yar ka dib markii uu xanuunkii ka bay ayuu haddana mar labaad isku dageyay inuu ka soo qabto, laakiin wuu qaniinay oo isagoo qaylinaya kala soo booday.

Ilbidhiqsi ka dib ayuu isku deyay inuu mar sadexaad badbaadiyo. Laakiin nin agtiisa fadhiyay ayaa ku qayliyay oo ku yidhi “Ninkaagan xakiimka ahi waxaad isku dayday inaad badbaadiso bahalka oo mar kasta wuu ku qaniinayaa iska dhaaf  markan sadexaad ?

Laakiin ninkii ayaa ugu jawaabay isagoo gacantiisa ku sii wada biyaha: “ Dhaqanka daba qaloocu waa inuu wax qaniino, aburka aadamiguna waxa uu waafaaqsan yahay inuu sameeyo badbaadin. Markii ugu danbaysay waa uu ku guualaystay inuu badbaadiyo waxaana uu yidhi “  Guusha waxa lagu gaadhaa dadaal iyo adkaysi”.

Leave a Reply