Guuldarada Iyo Wadada Guusha

0
1378

Dr. Richard waxa uu ahaa nin aqoon iyo waayo aragnimo leh, waxaana uu yidhi: “ Maalin aniga oo dayuurad la socda, ayaa ay dhinacayga fadhiisatay gabadh yar oo dhigta dugsiga sare, kana soo jeeda qoys sabool ah sida ay ii sheegtay.

Gabadha yari waxa ay aad u jeclayd in ay dhibka saboolnimada ee saameyay nolosha qoyskooda wax ka bedesho, waxaana ay i weydiisay sidee guul lagu gaadhaa?

Su’aasha ayaa igu abuurtay xanuun badan, waayo awood umaan lahayn inaan siiyo jawaab sax ah oo dhamaystiran oo faahfaahsan.

Isla wakhtigaasi ayaan go’aansaday in marka aan dayuuradda ka dego aan raadiyo dadka gaadhay guul iyo horumar oo aan su’aashaasi weydiiyo!

Muddo 7 sano ka dib oo aan 500 oo waraysi ka qaaday dad guul gaadhay  waxa ii soo baxay in guusha lagu gaadho:

Adigoo la yimaadda niyad sare si aad higsigaaga u gaadho. Dadka raba inay guulaystaan uma shaqaystaan inay helaan lacag keliya waxa ay u sheqeeyaan iyagoo ku raaxaysta oo macaansada shaqada. Dadka u sheqee  oo u qabo wax qiimo leh , taasi waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gadho,

Keligii noole ama dantii raadiye meel dheer  ma gaadho. Qofka ka fekera naftiisa oo keliya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay.  Qofka meesha fog higsanayaa ma xasuusto daalka.

Taasi ayaa sabab u noqotay  inay higsigooda gaadhaan.  Guusha waxa loo maraa dhib iyo dadaal mana jirto inay si dhib yar ku timaaddo. Guusha marka islaamka aynu nahay waa raaliglinta Allah (sw) waana arinkaasi ka ay meel sare ku gaadheen saxaabadii iyo dadkii hore ee wanaagsana. Kuwaasi oo aduunyada u arkayay mid ka liidata Aakhiro. Islaamkuna wuxu ku tiriyay iimaanka marka aad dariiqa ka qaado wax dhibaya dadka.

 

 

Leave a Reply