Guddida garsoorka Dacwadaha Cashuurta oo tababar u furay Ganacsato

0
597
Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, ayaa aqoon-korodhsi socon doona muddo laba maalmooda u furay xubno kamida Ganacsatada Somaliland oo lagu tababarayo xeerarka iyo habraacyada dacwadaha Cashuuraha Beriga iyo Kastamada.
Tababarkan furmay Salaasada maanta, soona qabanqaabiyey Xafiiska Guddida dacwadaha Cashuuraha oo dhawaan la aasaasay, isla markaana daba socda tababarro hore oo la siiyey Saraakiisha laamaha dakhli soo saarka Wasaaradda, ayaa waxa furitaankiisii ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim iyo masuuliyiin ka socda guddida dacwadaha Cashuuraha oo ah Wakaalad madaxbanaan oo Dawli ah.
Yuusuf Biixi Muxumed Guddoomiyaha Guddida ka garnaqa Dacwadaha Cashuuraha oo furitaankii kulanka ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada tababarkan, waxaanu sheegay “tababarkani waxa uu ku saabsan yahay sidii Ganacsatada loo fahamsiin lahaa hab-raaca foomka dacwad furashada”ayuu yidhi Guddoomiye Biixi oo sidoo kale sharaxaad ka bixiyey aasaaska iyo awooddaha guddida “guddidani waxay ka koobantahay shan xubnood oo uu guddoomiyuhu ku jiro, waxa lagu aasaasay hab waafaqsan xeerka dakhliga guud ee cashuuraha Beriga. waxa ay ka garnaqaysaa dacwadaha cashuuraha ee ka soo noqda go’aamada ay ku qanci waayaan cashuur-bixiyeyaashu”ayuu yidhi.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan oo halkaa ka hadlay, ayaa kula dardaarmay ka qaybgaleyaasha inay ka faa’idaystaan culuumta la barayo ee la xidhiidha fahamka hab-raacyada Foomka dacwad furashada cashuurta, taasoo ka caawinaysa inay bartaan dariiqa sharci ee ay kaga dacwoon karaan haddii ay tabasho ka qabaan cashuur lagu soo dalacay, gaar ahaan hab-raaca Foomka cabasho-cashuurreedka.
Waxa uu sheegay in hab-raaca Foomka dacwadaha cashuuraha laga soo dheegay xeerarka kala ah Xeerka Dakhliga guud ee Cashuuraha Berriga ee Xeer Lr. 72/2016 iyo Kastamada ee xeer Lr.73/2016,  hore loogu tababaray Saraakiisha iyo howl-wadeenada ka shaqeeya labadaas Xafiis, si ganacsatada cashuur-bixiyeyaasha ahina nidaamkaas u fahmaan loogu tababarayo.
“labadeena dhinac ee Cashuur-bixiyaha iyo cashuur-uruuriyaha waxa aynu  guddida madaxbanaan ee ka garnaqa dacwadaha cashuurta  uga marti-nahay oo uu kulankani daba socdaa tababaro ay hore u siiyeen Saraakiisha cashuurta uruuriya”ayuu yidhi Agaasime Gurxan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa guddida tababarka soo agaasintay iyo wasaaraddaba uga mahad-celiyey aqoon-korodhsigan lagu kobcinayo aqoonta Ganacsatadu u yeellanayaan hab-raaca dacwad-furashada.
Guddida garsoorka Dacwadaha cashuuraha oo aasaaskooda jideeyey qodobka 209 ee xeerka dakhliga guud ee Cashuuraha Berriga, ayaa waxa uu si madaxbanaan u qabanayaa, ugana garnaqayaa dacwadaha Idaariga ah ee u dhexeeya Hay’addaha cashuurta qaada iyo Dadweynaha.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply