Dhaqanka iyo Suugaanta

0
561
Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Natiijada Tartan-suugaaneed Wasaaradda Warfaafintu u qabatay 112 Hal-abuur
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa todobaadkan soo gebagebaysay tartan dhinaca Gabayada ah oo loo qabtay Dhalinyarada soo kacaysa ee leh muhiibada hal-abuurka suugaanta, waxaana abaal-marin iyo shahaadooyin la guddoonsiiyey 12 Hal-abuur oo ku guulaystay tartankaasi.
Tartankan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Dhaqanka ee Wasaaraddaasi, daadihinayeenna intii uu socday guddi farsamo oo garsoor ah, ayaa waxa  ka qaybgalay 112 Dhalinyaro  ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho gobolada dalka ku kala nool, kuwasoo ku tartamay afar mowduuc oo kala duwan oo lagu jaan-gooyey tartanka.
Munaasibad 24-kii bisha lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo lagu soo afmeeray tartankaasi, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, madaxqaybeedyo, xubno kamida Golaha Mus-dabeedka Dhaqanka ee Abwaaniinta Somaliland, shaqaale iyo xubno kamida tartameyasha, iyadoo isla munaasibadaasi guuleysteyaasha lagu siiyey abaal-marinaha ay heleen.
Madaxa Hal-abuurrada iyo Filimada ee Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Siciid Ibraahim Dool, oo kamid ahaa guddida garsoorka u haysay tartankan oo sharaxaad ka bixiyey sooyaalka uu soo maray tartanku ayaa ka waramay qaabka ay u kala saareen da’yarta tirada badan ee ka qaybgalay, waxyaabaha ay u eeggeen hal-abuurka Gabaygiisa iyo natiijada howsha ay qabteen.
“Waxa loo qabtay tartanka ee aanu kala saaraynay waxay ahayaeen Arday ku jirta Dugsiga sare, waxaan isl leeyahay hal-abuurkii ka qaybgalay tartankan oo tiradoou dhamayd 112 Hal-abuur, dhamaantood way guulaysteen sababtoo ah sida ay maskaxdooda oo waxbarasho ku foognayd uga faa’ideeyeen.
Waxaanu wax ku qiimaynay shan qodob oo kala ah Khaafiyada (Xaraf-raac), Miisaanka gabayga amma tuduca miisaankiisa, Abaarta mowduuca uu doortay, gudbinta hal-abuurka iyo Eray xulashada” ayuu yidhi Abwaan Guray Dool.
Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi raaciyey “112-kaa qof waxa la doonayey inay ka soo baxaan 12 Qof, waxaanu marinay saddex wareeg, waxaana markii aanu dhinac walba ka eegnay ku guulaystay 12 hal-abuur oo ay mid kamida gabadh tahay” ayuu ku daray hadalkiisa.
Tartankan waxa looga gol lahaa in kor loogu qaado wacyiga hal-abuurka da’da yar, lana dhiiri-geliyo kuwa curinta suugaaneed leh si ay mustaqbalka u noqdaan wershad-suugaaneed Qaranka anfaca.
Maxamed Cali Waji Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka hadlay munaasibada lagu abaal-mariyey dhalinyarada ku guulaystay tartanka, ayaa ku booriyey inay halkaa ka sii wadaan hal-abuurka, isla markaana noqdaan kuwo suugaantooda ku cabira nololsha iyo bay’adda ay ku nool yihiin.
Waji ayaa ka sheekeeyey raadaynta eray suugaaneedku ku leeyahay koboca aqoonta iyo  maskaxda Aadamiga, waxaanu ka sheekeeyey qisooyin suugaanneed iyo doorka ay asbaabta curintu ku leedahay qiimaha Gabayga iyo noocyada kale ee hawraarta afka.
Dhankiisa Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo kamida guurtida Dhaqanka ee Jamhuuriyada Somaliland hadal ka jeediyey Xaflada, ayaa Sheegay in fanku uu yahay wershad waraabisa Maskaxda bulshada, hase yeeshee qofka suugaanyahanka ahi aanu ka helin dhaqaale iyo manfac muuqda oo uu ku taajiro “Adduun ka heli maysaan fanka, laakiinse waxaan idin odhan lahaa xirfado kale oo aad nololshiina ku maaraysaanna barta”ayuu kula dardaarmay da’yarta loogu xafladeeyey Madasha oo uu sidoo kale ku hambalyeeyey natiijada ay ka gaadheen tartanka.
Xubno kamida Dhalinyarada tartanka ku guulaystay, ayaa halkaa ku soo bandhigay gabayo
qiimo badan oo ka hadlaya masuuliyada Waalidka ka saaran barbaarinta Ubadka,  Saameynta Kufsigu ku yeesho haweenka iyo arrimo kale, waxaana suugaantooda laga dheehanayey xigmad iyo aqoon xeel durugsan oo ay u leeyihiin curinta.
Khaalif Jaamac Cismaan iyo Raxma oo hal-abuurkaasi kamida ayaa ka sekow bandhiga suugaaneed, waxa ay u mahad celiyeen Wasaaradda.
Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, xubno kamida Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Baanka iyo dad kale oo martisharafta kamid ahaa, ayaa dhamaantood ku ammaanay wasaaradda howsha culus ee ay qabatay.
Waxa kale oo ay muujiyeen ahmiyadda Qaranka ay u leeyihiin hal-abuurka, Dhalinyaradda in lagu kobciyona ay muhiim tahay.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaaraddu sii wadayso qabashada tartannada noocan oo uu ku tilmaamay kuwo kor loogu qaadayo qiimaha dhaqanka iyo hal-abuurka dalkeena.
Agaasimuhu waxa kale oo uu tibaaxay inay tartamada u kala qaadi doonaan noocyada Fanka ee kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacygelinta oo gebgebadii munaasibada hadal ka jeediyey tilmaamay in maxsuulka tartankan ka soo baxay muujinayo in uu wali dhaqanku leeyahay ehel iyo awlaad ku kacaamay oo mustaqbalka dhow weellaynaya.
Waxa uu Wasiirku ku adkeeyey carabka inay Wasaaraddu kor u qaadayso oo ay dardar gelinayso masuuliyadda ka saaran horumarinta Dhaqanka iyo suugaanta oo hu’ u ah “Gabaygu xusuusbuu dadka ku sameeyaa, wuxuu leeyahay xigasho, wakhti dheer waarta, markaa in dadka curiya lagu dhiiri-geliyaa waa wax aad iyo aad u fiican”
Wasiirku waxa uu intaas raaciyey “Gabayga intiisa badan way wanaagsan tahay inta yar ee ay dadku xoqaan waan iska dayn karnaa”ayuu raaciyey isagoo dhalinyarada kula dardaarmay inay ka fogaadaan inay suugaantooda u adeegsadaan dhiiri-gelinta waxyaabaha xun xun sida qabyaalada iyo dira-diraalaha.
Ugu dambeyn Waxa Xaflada Lacag Abaal-marin ah oo ay Wasaaraddu u qoondaysay iyo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 12 Dhalinyarada ah ee tartanka ku guulaystay, waxaana xusid mudan in Xafladu intii ay socotay Kooxaha Fanka ee Qaranku soo bandhigeen masrixad qurux badan oo cawaysinka bishay.
Tartankan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay Wasaaraddu qaban qaabisay, iyadoo uu ka horeeyey mid kale oo loo qabtay Kooxaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee dalka ka dhisan oo sanadkii hore 2020 iyagoo kooxo ah tartamay.

Leave a Reply