Barashada Farxadda Iyo Qosolka !

0
326

Wargeyska New York Times  ee Maraykanka ka soo baxa ayaa daabacay in la taliyihii hore ee Jarmalka  Mr.Helmut Cole uu sheegay  in Jarmalku ay aad uga baqaan qosolka, isla markaana ay is qariyaan marka ay qoslayaan.  Wargeyska ayaa intaasi ku daray in sanadkii 2005 uu Cole soo jeediyay in la sameeyo dugsiga qosolka lagu barto.

 

Dugsigaasi oo lagu bari doono farsamo ahaan sidii ay u qosli lahaayeen si loo yareeyo dareenka kacsan iyo weji macbuuska.

“Muddo tobanaan sano ah, ayaanu  ku joognaa Jarmalka, niyad-jabka, aan farxada iyo qosolka lahayn”. Erayadaasi waxa yidhi Mr.Heiner Ober, oo ah aasaasaha dugsigaasi.   Casharo iyo duruus  gaar ah u qosolka ayaa lagu bilaabay dugsigan iyagoo ardayda miisas iyo kuraasi iska soo horjeeda la fadhiisiyay.

Jidhkooda ayay kala bixiyaan oo jimcsi saameeyaan ka hor inta aanay qoslin. Ardaydan ayaa aad sacabka u tuma waxaana ay u neefsadaan si xoog si uu dhiiggu ugu gudbo jidhka oo dareenka qofkuna u noqdo mid firfircoon. Intaasi ka dibna waxay ku wareegaystaan qolka fasalka ah iyagoo ku dhawaaqaya eryada “ Huu, Huu, Haa, Haa”. Dad badan ayaa qaabkan aad ugu bartay habka qosolka oo faraxadii wejiyadooda ay ka muuqatay.

Dadka Jarmalka ayaa qosolka iyo dhool cadaynta dadka dhexdiisa u aaminsanaa inay tahay xaqiraad iyo inuu yahay qof liita.

Leave a Reply