Luqad Dadkeedii Iska Bedeleen!

0
395

Bogga Ethnologie, ee daneeya luuqadaha adduunka, isla markaana liiskooda haya ayaa hore u sheegay in luqadda “ Paddy” ay ka mid tahay kuwa dabar go’ay, taasi oo lagaga hadli jiray qaybo ka mid ah dalalka Bakistan iyo Hindiya.  Laakiin Idaacadda BBC qaybta Carabida ayaa cadaysay in Dooxada Peshigram ee dalka Bakistaan ay joogaan saddex oday keliya oo ku hadla luqdaasi.

Rahim Gul oo ka mid ah sadexdaasi ayaa sheegay in luqadoodu ay baaba’aday markii ay deegaano kale ka guursadeen taasina ay caruurtii ku hadleen luqadda hooyadood. Waxaana dhibaatada keenay in dadkii luqadda lahaa ay iska bedeleen oo ay u wareegeen luqadda kale ee hooyadood.

Waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin marka sadexdooda laga reebo qof kale oo fahmaya luqdan.  Waxaana Rahim Guol uu dhalay wiil shan sano jir ah oo ku hadla luqada hooyadii ee “Torali”.   Mr.Saqr Zaman oo ka hawl gala hay’ad madax banaan oo luqadaha ilaalisa ayaa isna sheegay in togaasi u safreen 3 jeer laakiin aanay la kulmin ragaasi marna.

Leave a Reply