Koox Dhalinyarro ah oo Magaaladda Gebiley ka Bilaabay Barnaamij ay ku Afurinayaan Dadka Danyarta ah.

0
353

Gebiley (Dawan) -Dhallinyaro mutadawaciiin ah oo ku bahoobay urur lagu magacaabo Gabiley Taakulo Charity ayaa magaaladda Gebiley ka bilaabay barnaamij lagu magacaabo Afuri walaalkaaga baahan oo ay afur ugu qaybinayaan dadka baahan iyo dadka danyarta ah.

Dhallinyaradan ayaa maalmihii ugu dambeeyey afurinaayey dad baahan oo tiradoodu ku dhowa dahay saddex boqol oo qof,kuwaas oo ay deeqdan afurka ku gaadhsiinayeen qaybaha kala duwan ee magaaladda Gebiley.

Guddoomiyaha ururka Gebiley Taakulo Charity Afuri walaalkaaga baahan Farxaan Cabdi Aw Ciise ayaa ka warbixiyey barnaamijkan ay ku afurinayaan dadka baahan, waxaanu sheegay in uu socdo Barnaamijkani sannadkii labaad kaasi oo lagu afurinayo dad baahan oo degan magaalada Gabiley.

Guddoomiyaha dhallinyaradan ayaa cadeeyey in ay Barnaamijkan ka caawiyaan dad muxsiniin ah iyo Maayirka degmada Gebiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo isna sannadkan bixinaaya deeqdan afurka ah, isaga oo u mahadceliyey dawlada hoose ee magaalada Gabileyisaga oo u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaatay.

Leave a Reply