Hooyo 20-sanno Xoola ay Raacdo ku Maareysa Nolosheeda Fariina u Dirtay Bulshada

0
334

Burco (Dawan) Hooyo Canab Cali Nuur, waxaa ay nolosheeda ku maareysa raacista xoolo aan badneyn, kuwaas oo xaafadaha leh ay ka qaadato waxooga khidmada

Sidoo kale hooyadani waxaa ay xustay in 20-sanno oo cimrigeeda ka mida ay ku dhammeysatay raacista xoolahan lacagta yar ee ay ka hesho ay nolosheeda ku maareyso.

Dhinaca  kale Hooyadani waxaa hoosta ka xariiqday in walaalkeed oo aan ehelkale lahayn, isla markaana muddo 20-sano ah xannuun u jiifa uu nolosha ku weheliyo, waxaanay bulshada ka codsatay in ILLAAHEY dartii loo soo kaalmeeyo

Hooyo Canab waxaa ay tilmaantay lacag adag oo aanay awood u lahayn bixinteeda lagaga mag-dhabo neefkii luma ee ka mida xoolahaasi ay raacdo.

Hooyo Canab waxaa ay sidan ka sheegtay warbixin uu ka sameeyay Tv-ga Saab.

Hooyo Canab iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi.“Waxaan raaca sodon neef, sodonkan neefna anaa qayb leh, dadka qaar ayaan bilaash ugu raaca oo aan lacagba haysan, marka cidda wax isiisa waa ay yar tahay, toban kun ayaa iga soo urura,  toban kuna waad og tihiin waxa ay qabanayaanba waa ay yar tahay.

Barrigii hore lacag igu filan ayaan qaadan jiray, saddexda wakhtina waxbaan cuni jiray oo caanaha hilibka iyo wax kastaba waala i siin jiray, imikana waa toban kun oo mar ahaan uunbaan wax siistaa, marka hadda Riyo aan raaco oo igu filan ma haysto, imika dhibta ii dheeri waxaa weeyi abaarahan ba’an ee dad iyo duunyaba saameeyey oo aanay jirin meel xoolihii aan u daaq geeyo.”

“Adhigan muddo dhan 22-sanno ayaan raacayay, imikana hawl gab ayaan iska ahay ILLAAHEYbaan ka rajaynaya in uu wax khayr qabba i siiyo.”Ayay tidhi Hooyo Canab.

Hooyo Canab waxaa ay tilmaantay lacag adag oo aanay awood u lahayn bixinteeda lagaga mag-dhabo neefkii luma ee ka mida xoolahaasi ay raacdo.“Dhibta kale ee raacista xoolahan ii dheer waxaa ka mida in neefkii luma ama la waayo la iga mag dhawdo oo la yidhaaho halkaasi dhiga, oo nalaga qaado lacag aanan heli kareynin.

Waxaa jira Tuug haweenka laysa oo aniga laba jeer isigay, xoolaha markii hore meel doogle ayaa la gayn jiray balse hadda waa ay is baddeshay oo imika meel walba waala ootay oo waa lagugu dilayaa”

Sidoo kale Hooyadani waxaa hoosta ka xariiqday in walaalkeed oo aan ehelkale lahayn, isla markaana muddo 20-sano ah xannuun u jiifa uu nolosha ku weheliyo, waxaanay bulshada ka codsatay in ILLAAHEY dartii loo soo kaalmeeyo.“Waxaa nolosha igu weheliya walaalkay oo xannuunsanaya oo ILLAAHEY xuskiisii ka qaaday, isla markaana aan waayay wax aan dhakhtar ku geeyo, iyo wax aan naftiisa wax u siiyo midna ma hayo, marka sidaas ayaan isaga dhibanahay, muddo imika 20-sanno ah ayuu xannuunsanayay, ubadna muu dhalin ILLAAHEY uunbaanu khayr ka sugayna umadda Islaamka ahna waxaa aanu ka codsanayna in ay na soo caawiyaan, waad aragtan muuqayaga iyo xaaladayadaba”

Leave a Reply