Wasaaradda arrimaha Gudaha oo sheegtay in Degmooyinka Dalku ay Heleen Kabkii Miisaaniyadeed ee …

0
484

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha ahna ku simaha wasiirka wasaaradaas ayaa

Naasir Caydiid Maxamed wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha fuydaha Somaliland oo warbaahinta kula hadlaayay magaalad Hargeysa wuxuu sheegay in markii hore kabka ay qaadan jireen afartan degmo balse imika dhamaan dagmooyinka dalka oo ka kooban 101 degmo la gaadhsiiyay kabkii ay xaqa u lahaayeen, waxaanu wasiir ku xigeenku intaa ku daray in saddex biloodkii miisaaniyada ee kabka dagmooyinka dagmadii u danbaysay ay maanta qaadtay kabkeedii.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudahu waxa sidoo kale uu badhaasabada ku booriyay in kabkaasi ay ku daba galaan dagmooyinka sida loo isticmaalay, isagoo sheegay in Madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi uu dadaal weyn galiyay  in degmo kasta ay hesho kabka xaqa ay u leedahay ,iyadoo lagu jaan goynayo degmo kastaa heerka ay tahay.

Ugu dambayn wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed wuxuu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee xurgufta colaadeed ku dhex martay degaanka Dhabar-dallool ee gobolka Sool in ay nabada qaataan oo ay joojiyaan dirirta iyo colaada maamdaama lagu jiro bil Barakaysan, waxaanu sidoo kale   amaan usoo jeediyay waxgaradka iyo  odayaasha dhaqanka eek u kala dhex jira isagoo Ilaahay uga barayay in ay guulaystaan nabada ay halkaasi u joogaan.

Leave a Reply