Guurtida oo Baaq Nabadeed u Diray Ardaayo Colaadi ku Dhex-martay Gobolka Sool

0
372

Hargeysa (Dawan)  – Golaha Guurtida Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray ardaayada wallaalaha ah  ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

War-murtiyeed  ka soo baxay shir guddoonka golaha guurtidda Somaliland, kuna saxeexnaa gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali, soona gaadhay  xafiiska warqabadka Wargeysyadda Dawan.

Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, fadhigiisii maanta oo ah Sabti bishuna tahay 17/04/2021 waxa uu baaq nabad-gelyo u dirayaa Beelaha walaalaha ah ee xurgutu ku dhexmartay gobolka Sool, gaar ahaan degaan ka Dhabar-dalool.

Ugu horayn goluhu isaga oo ka xun dhacdadaa foosha xun, waxa uu tacsi u dirayaa qoysaskii wax yeeladu ka soo gaadhay shaqaaqadaasi inta dhimatayna ALLE ha u naxariisto inta dhaawaca ahna ALLE ha caafiyo, waxaanay golaha guurtiddu ku adkaynayaan Beelahaasi wallaalaha ah inay inay joojiyaan colaada, oo ay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay hore ugu qaateen nabadda iyo in wixii tabasha ah ee dhexdooda jira ay gogol wada xaajood ah ku dhamaystaan.

Gole guurti ahaan xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa in la geeyo ciidamada Qaranka, si loo joojiyo colaada ka taagan Deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sool.

Ugu dambayn war murtiyeedka ka soo baxay golaha guurtida Somaliland waxa lagu yidhi, “Goluhu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa Beelahaa walaalaha ah dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho ee joojiya colaada, waayo waxaa dhulka ka jirta abaar, xannuun iyo bisha barakaysan ee Ramadaan idinkoo xurmaynaya qimaha ay leedahay bishaasi joojiya colaada”.

Halkan ka Akhri

Leave a Reply