Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland oo Masaajiada Dalka u Qaybisay Af-saabyo

0
404

Hargeysa (Dawan )  – Wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta  shirkada xawaalada Wolrd Rimit kala wareegay hal milyan o af saab  oo loo qeybin doono dhamaan masaajidada dalka.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in masaajidada dalka loo qeybin doono af saabka balse maanta ay ku bilaabayaan 21 masaajid  oo ah kuwa magaalada hargaysa ugu waaweyn

Waxa sidoo kale wasiirku sheegay in shirkada Wolrd Rimit ay  soo gaadhsiiyay dawada jeermis dilaha ah ee loogu talo galay in lagu fara xasho oo iyana ay soo rari doonaan, taasoo qeyb laxaad leh ka qaadan doonta ka hor taga xanuunada faafa gaar ahaan Covid 19.

Wasiirku waxa uu u mahad celiyay shirkada Wolrd Rimit iyo dadka saamiyada ku leh  doorka ay kaga jiraan ka hor taga xanuunka. isagoo Ilaahay uga barayay in uu miisaanka xasanaadka ugu diro, waxa sidoo kale uu u mahad celiyay masuuliyiinta Masaajidada ee kasoo qeyb gashay xaflada lagu qeybinayay wejiga koowaad ee qeybinta afsaabka

Waxa iyaguna halkaasi hadalo la xidhiiidha xaflada kasoo jeediyay qaar ka mida Culimada wasaarada iyo Caasimada Hargaysa  oo u mahad celiyay Shirkada Xawaalada Wolrd Rimit.

Leave a Reply