Salaad Roob Doon ah oo laga Tukadaay Magaalada Bali-Gubadle

0
543
????????????????????????????????????

Hargeysa (Dawan) – Magaalada Bali Gubadle ee xarunta gobolka Hawd waxa maanta laga tukaday Salaad Roob doon ah, iyadoo culimada degmadaasina ay bulshada u jeediyeen fariimo waano ah.

Gudoomiyaha guddida wanaag farita iyo xumaan reebista Somaliland ee gobolka Hawd ayaa sheegay in tukashada salaadaas roob doonta ka dib ay bulshada goobtaas hadalo uga jeediyeen Sheekh Cabdilaahi Maxamed Aw Cabdi, oo ah gudoomiyaha maxkmada degmada Bali-gubadle, Sheekh Maxamed Jaamac Yuusuf, Sheekh Khaalid Haaruun oo ka mida culiyada gobolka Hawd, kuwaas oo bulshada u soo jeediyay inay badiyaan Alle bariga.

Geesta  kale isu-duwaha wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland ee gobolka Hawd Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dadaal ka galeen in aan degaanada hoos yimaada gobolkaas aan lagu karin cunta xaaraan ah bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanuu xusay in arrintaas gacan ka siiyeen bulshada ku nool guud ahaan degaanada gobolaas hoos yimaada, waxaanuu bulshada gobolkaas u soo jeediyay inay caawiyaan dadka aan waxba haysan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ugu dambayn isu-duwaha wasaaradda diinta iyo aw qaafata Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Maxamed wuxuu sheegay in ay kaadhadhkii aqoonsiga gaadhsiiyeen madarasadaha iyo maamuleyaasha madaariistaas, kuwaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda diinta iyo aw qaafka Somaliland.

Leave a Reply